Qarax culus oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay kusoo dhawaanayaan Dhuusamareeb, islamarkaana ay wadooyinka ka baxa magaaladda ay geliyaan miinooyinka.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay kadib qarax miino la geliyay wadada dhinaceeda, oo lala eegtay gaari ciidan oo marayay deegaanka Ceel-dheere, oo 20km koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Mintidiinta ayaa lagu soo waramayaa inay kusoo dhawaanayaan wadada u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyagoo mararka qaar isbaarooyin dhigta habeenkii, islamarkaana gaadiidka ka qaada lacago baad ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.