Qarax ka dhacay duleedka Caasimadda Soomaaliya

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo 30-KM ah ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo miino oo lala eegtay gaadiidka Ciidamada DF iyo AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay duleedka Caasimadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax khasaaro geystay ayaa Ciidamada uu Turkiga tababarey ee Haramcad lagula eegtay Maanta duleedka magaaladda Muqdisho, waxaana ku dhaawacay ugu yaraan saddex askari.

Goobjooge la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino lagu xiray geed ay harsan jireen Ciidamada Booliska Haramcad, ee ilaaliya Injineeradda Turkiga u dhashay ee dhisaya jidka isku xira Caasimadda iyo Afgooye.

Dhaawaca askarta waxaa loo soo qaadey Muqdisho, iyadoo la dhigay Isbitaalka Ciidanka xoogga. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka qaraxa loo adeegsaday.

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo 30-KM ah waxaa ka dhaca qaraxyo miino oo lala eegtay gaadiidka Ciidamada DF iyo AMISOM, iyadoo ay jiraan dhacdooyin kale oo shacab ay ku dhinteen.

Bishii January ee 2020, labo Injineer oo Turki ah ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye, iyadoo uu xigay qarax kale oo lagu eegtay meel ku dhaw Afgooye oo Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.