Qarax lala beegsaday Injineerada dhismaha Jidka Afgooye

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay qaraxa ku dishay hal Sarkaal oo u dhashay Turkiga iyo Labo Askari oo Haramcad katirsanaa.

Warar Keydmedia Online
Qarax lala beegsaday Injineerada dhismaha Jidka Afgooye

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeyso qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay saakay degaanka Lafoole, kaasoo uu fuliyay nin isku soo xiray walxo qarxa.

Waxaa lala eegtay qaraxa Koox Injineero ah, oo u dhashay dalka Turkiga oo ka shaqeynayay dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, oo ah mashruuc ay maalgelinayso Qatar.

Hal Injineer oo Turki iyo labo askari oo ilaallo ka ah wadada dhismaha ku socdo ayaa lagu dilay qaraxa is-miidaaminta ahaa, sida ay Al-Shabaab ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Waa qaraxii 2aad oo tan iyo xalay ka dhacay Soomaaliya, oo sanadka cusub lagu daah-furay, waxaana weerarka lagu qaadey Injineeradda Turkiga u dhashay uu noqonayaa midkii 3aad tan iyo sanadkii tagey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa doonaysa inay joojiso mashruuca dhismaha jidka ee dalka lagu horumarinayo, oo muhiim u ah isku socodka shacabka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.