Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ka dhacay gobolka Gedo

Khasaaro ayaa la sheegay inuu ka dhashay weerarka oo imaanaya xili gobolka Gedo Ciidamo uu ku duubalayo Farmaajo, si uu meesha uga saaro Axmed Madoobe.

Warar Keydmedia Online
Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ka dhacay gobolka Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo miino ayaa ka dhacay gobolka Gedo, oo dhawaan uu Farmaajo u diray Kulane Jiis, si uu usoo geliyo Ciidamo ka socda Itoobiya iyo Gogor.

Wararka KON ay ka helayso gobolka ayaa sheegaya in qaraxyada lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah, oo ka yimid Doolow, kuna sii jeeday degmada Luuq, oo ay ku leeyihiin saldhigyo kala duwan.

Weer toos ah ayaa xigay qaraxyada, oo ka dhacay Tuulada Shaataalow, oo u dhaxaysa Luuq iyo Doolow, waxaana ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac oo askarta soo gaarey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ku gubtay qaraxyada gaari Uuraal ah, oo Ciidanka Itoobiyaanka la socday, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda tirada dhimashadda iyo dhaawaca.

Ciidamada Itoobiya ayaa iska caabiyay weerarka gaadmada ah, waxaana la sheegay inay sii wateen safarkooda ay ugu sii jeedeen degmada Luuq, iyagoo goobta ka jiidaay Gaari qaraxyada waxyeello gaarsiiyay.

Inta badan, Al-Shabaab ayaa weeraro jid-gal ah ku sameysay Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda marka ay ku socdaalayaan wadooyinka isku xira degmooyinka kala duwan ee dalka.

Subixii Talaadada, Al-Shabaab ayaa weerar ku gashay saldhiiga Ciidanka Burundi ee Tuulada Ceel-Baraf, oo katirsan Sh/Dhexe, halkaasoo ay ku dishay ugu yaraan 30 askari oo ATMIS katirsanaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.