Qasaaraha Qaraxyadii Zoobe oo sii kordhaya iyo dad la la’yahay

Ma cadda sida ay labada Gaari ee qaraxyada ku xirnaa ee ku qarxay afaafka Wasaaradda Waxbarashadda ay ku soo mareen baraha Koontarool ee magaaladda oo si joogto ah Baabuurta loogu baaro Habeen iyo Maalin.

Warar Keydmedia Online
Qasaaraha Qaraxyadii Zoobe oo sii kordhaya iyo dad la la’yahay

MUQDISHO, Soomaaliya -  Tirada dadka ku dhintay Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Caasimadda Soomaaliya 29kii October 2022, ayaa gaartay 120 qof, waxaana laga yaabaa inay intaas ka sii badato, sababtoo ah dadka qaar ayaa wali la la’yahay, sida uu sheegay wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji.

Cali Xaaji ayaa sheegay in in ka badan 320 kale ay ku dhaawacmeen Qaraxyadii Sabtidii ka dhacay Isgoyska ee mashquulka badan xiliga duhurka kadib oo wadada Mashuul badan ka jiray, in ka badan 150 qof ayaa weli lagu daweynayaa Isbitaallada.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii gaari xamuul ah isla Zoobe ku qarxay 14-kii October 2017, kaasoo dilay in ka badan 587, halka 1,000 ay ku dhaawacmeen.

Ma cadda sida ay labada Gaari ee qaraxyada ku xirnaa ee ku qarxay afaafka Wasaaradda Waxbarashadda ay ku soo mareen baraha Koontarool ee magaaladda oo si joogto ah Baabuurta loogu baaro Habeen iyo Maalin.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxyada, waxayna qoraal ay soo saartey ku xustay inay la beegsatay Wasaaradda Waxbarashadda, oo dhismaheeda saaran Laamiga dadka maraan.

Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday weeraro hor leh oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ay sdioo kale wado dadaallo lagu doonayo in lagu xiro ilaha dhaqaalaha Kooxda, sida Canshuurta ay ka qaado Ganacsatada Xamar.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.