Qatar oo ku baaqday in la baaro dhalinyaro lagu qalday magaceeda

Arintan waxaa sameeyay Fahad Yaasiin, taliyaha NISA oo askareeyay Carruurta oo intooda badan laga qoray degaanada Galmudug, iyadoo Madaxweyne Qoor-Qoor iyo maamulkiisa ay ku lug leeyihiin.

Warar Keydmedia Online
Qatar oo ku baaqday in la baaro dhalinyaro lagu qalday magaceeda

DOHA - Qatar ayaa ku baaqdey in la baaro wararka sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed, oo lagu marin-habaabiyay in dalkeeda shaqo loo geynayo loo qaaday dalka Eritrea kadibna la geliyay dagaalka Itoobiya.

Xukuumadda Doha waxay sheegtay in kiiskan uu yahay mid culus, oo u baahan in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo, iyadoo hadii ay cadaato in magaceeda lagu qaldanay dhalinyaradda ay qaadayso tallaabo.

Dowladda Qatar ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in laga been sheego, oo dhalinyaro lagu qaldo shaqo aan jirin in loogu qaadayo Doha, kadibna habeen madow diyaarado lagu geeyo wadan Eritrea.

Arintan waxaa sameeyay Fahad Yaasiin, taliyaha NISA oo askareeyay Carruurta oo intooda badan laga qoray degaanada Galmudug, iyadoo Madaxweyne Qoor-Qoor iyo maamulkiisa ay ku lug leeyihiin.

Doha waxay xiriir dhaw la leedahay Fahad, oo ka mas’uul ahaa inuu Farmaajo Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya 2017, isagoo ugu qaabilsanaa fulinta danaha ay dalka ka leedahay afartii sano ee lasoo dhaafay.

C/kariin Guuleed, taliye ku-xigeenkii hore ee NISA, ayaa sheegay inuu xog uu ka helay Sirdoonka Itoobiya ay muujinayso in inta badan dhalinyarada oo ku dhawaad 4,000 gaarayay lagu dilay dagaalkii G/Tigray.

Waa qiyaanno qaran midii ugu waynayd in kumanaan carruur ah loo diro dibadda, kadibna dagaal ka socda la geliyo, lagana qariyo waalidiinta wiilashooda sida micna darrada loogu laayay dal shisheeye.

Farmaajo horey Qalbi Dhagax ayuu Itoobiya ugu dhiibay, haddana Caruur waxbarashadda Dugsiga Sare ku jirtay ku shubay colaadda dalkaas, si uu u qanciyo Addis Ababa, oo sokeeye iyo saaxiib ka dhigtay.

Itoobiya waxay saameyn siyaasadeed iyo mid amni ku leedahay Soomaaliya, iyadoo mudadii burburka isku hubeynaysay hogaamiye kooxeedka, si wadanka ugu sii jiro kala qeybsanaanta, colaadda iyo dowlad la’aanta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.