Qatar oo ku jirta halgan sidii kusoo celin lahayd Farmaajo

Doha ayaa malaayiin dollar ku fatahdey doorashaddii Feb 2017, taasoo ay kusoo saartey daqiiqadii ugu dambeeyay Farmaajo, oo ugu abaal gudey inuu u gacan geliyay dalka.

Warar Keydmedia Online
Qatar oo ku jirta halgan sidii kusoo celin lahayd Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Qatar ayaa xusul-duub ugu jirta sidii uu dib ugu soo celin lahayd Farmaajo, oo afartii sano ee uu Madaxweynaha ahaa ka heshay daacadnimo weyn.

Waxaa Muqdisho dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada Safiirka Qatar Xasan Bin Xamza, oo xiligan doorashadda lagu jiro la sheegay inuu lacago badan keenay, taasoo Fahad hayo.

Wuxuu Maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdi Saciid Muuse Cali, oo kamid ah gacan-yariyaasha Farmaajo, horeyna ugu soo noqdey la-taliyihiisa gaarka ee amniga qaranka.

Qatar ayaa dhawaan bedeshay mowqifkii Rooble, markii ay ku casuuntay Doha, halkaasoo uu kula soo kulmay Sheekh Tamim Bin Xamad Al-Thani xili khilaaf kala dhaxeeyay Farmaajo.

Rooble oo ahaa rajada kaliya ee shacabka ka qabeen inuu qabto doorasho xor iyo xalaal ah, ayaa ku biiray hadda kooxda ololaha dib usoo doorashadda Farmaajo, sida lagu eedeeyay.

Awoodda kaliya ee kasoo horjeeday Farmaajo inuu boobo doorashadda wuxuu ahaa Rooble, balse hadda laga hor leexiyay jidkiisa, waxaana ka shaqeeyay arintaas dowladda Qatar.

Doha ayaa malaayiin dollar ku fatahdey doorashaddii Feb 2017, taasoo ay kusoo saartey daqiiqadii ugu dambeeyay Farmaajo, oo ugu abaal gudey inuu u gacan geliyay Soomaaliya.

Musharixiinta mucaaradka ayaa aaminsan in aan Rooble laga sugeyn doorashadda loo dhan yahay, oo daah-furan, waxayna iclaamiyeen shirweyne wadatashi oo ka furmaya Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.