Qoor Qoor oo Farmaajo warbixin ka siiyay kulamadii Garoowe

Madaxweynaha Galmudug ayaa maamulka uu hogaamiyaha u yahay dayacay, isagoo mudo 3 bilood ah u shaqeynaya sidii Wasiir katirsan Xukuumadda Federaalka.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo Farmaajo warbixin ka siiyay kulamadii Garoowe

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Villa Somalia kula kulmay Farmaajo, isagoo siiyay warbixin ku aadan wixii kasoo baxay kulamadii uu Garoowe kula yeeshay musharixiinta Mucaaradka.

Illo ku dhaw kulanka, ayaa Keydmedia Online u sheegay in Qoor Qoor ka dalbadey Farmaajo inuu kulan deg deg ah qabto, maadaama dhinacyadii uu wadahadalka lasoo qaatey ay mujiiyeen ogolaansho ah in wadahadal laga yeesho khilaafka doorashadda.

Shaqsiyaadka uu lasoo kulmay waxaa kamid ah Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre, Axmed Madoobe, Deni iyo Musharixiin kale oo miisaan ku leh siyaasadda dalka.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka caga-jiidayo inuu sameeyo tanaasul, si uu wadanka uga gudbo marxaladdan is-mariwaaga ah ee hortagan qabashada doorashada, iyadoo arrimaha ugu wayn ee la isku hayo ay yihiin Gedo iyo gudiga doorashooyinka.

Mucaaradka oo ay wehliyaan Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday inay ka qeyb qaataan doorashadda, iyagoo ku eedeeyay Farmaajo inuu ka baxay heshiiskii doorashadda 17-kii September 2020 lagu gaarey Muqdisho.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa mas'uuliyadii Galmudug u dayacay u adeegida Farmaajo, oo u noqday ergayga u qaabilsan wadahadalka mucaaradka iyo dhex-dhexaadinta, taasoo uusan wax natiijo ah ka keenin illaa hadda, maadaama meeshii hore ay dhinacyada kala joogaan.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad hubanti la'aan ah mustaqbalkeeda, waxaan sii nuxuusaya rajadii shacabka ee doorashadda, oo watigii la filayay inay dhacdo la dhaafay, islamarkaana taladii dalka isku soo koobay Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.