Qoor-Qoor oo la kulmay taliye katirsan AMISOM kahor duulaanka Guriceel

Kulanka wuxuu imaanaya xili Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay kaabiga ku hayaan magaaladda Guriceel, oo ay ku sugan yihiin xoogaga Ahlu Sunna.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo la kulmay taliye katirsan AMISOM kahor duulaanka Guriceel

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa xafiiskiisa Maanta kula kulmay taliyaha AMISOM u qaabilsan gobollada Dhexe.

Taliyaha qeybta 4aad ee AMISOM Col. Hassan Jama Farah oo u dhashay Jabuuti, ayaa kula hadlay Qoor-Qoor howlgallada militeri ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo amniga doorashadda Aqalka Hoose.

Illo ku dhaw Madaxtooyadda Galmudug ayaa Keydmedia Online u sheegay in Qoor-Qoor uu ka dalbaday AMISOM inay ka qeyb-qaadato duulaanka Ahlu Sunna looga saarayo Guriceel.

Qoor-Qoor ayaa u durbaan tumaya dagaal dhiig ku daata oo ka dhaca Galgaduud, kadib markii uu soo xiray albaabkii wadahadalka Ahlu Sunna oo gacanta ku haysa dhowr magaalo.

Villa Somalia ayaa Ciidamada Gorgor diyaarado uga qaadey Muqdisho, iyadoo geysay Dhuusamareeb maalmihii lasoo dhaafay, si ay u fuliyaan howlgalka dib u qabshada Guriceel.

AMISOM ayaa diiday inay dagaal sokeeye ka qeybgasho, waxayna u cadeysay Qoor-Qoor in dagaalka Ahlu Sunna kaligiisa ku yahay, maadaama sharciga dalka ku joogaan uu yahay inay Al-Shabaab la dagaalamaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.