Qorshaha uu Fahad Yaasiin kusoo gali rabo Muqdisho

Xafiiska Farmaajo ayaa ka socda qaban-qaabada soo dhaweynta iyo difaacida Fahad marka uu kasoo dego Garoonka oo sida la sheegay lagu diyaariyay Ciidamo kale oo isaga soo xiraya.

Warar Keydmedia Online
Qorshaha uu Fahad Yaasiin kusoo gali rabo Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxay heshay Keydmedia macluumaad hoose oo sheegay in Fahad Yaasiin uu saacadaha soo socda kusoo wajahan yahay magaaladda Muqdisho, isagoo bedelay qorshihiisa hore.

Fahad ayaa caawa la filayaa inuu Addis Ababa ku yimaado diyaaradda Ethiopian airlines oo kasoo qaadaysa Istanbul, oo shalay lagu celiyay kadib markii dowladda Jabuuti daqiiqado Garoonka ku xanibtay, una diiday inuu Muqdisho sii aado.

Xogta waxay sheegaysaa inuu Fahad Yaasiin qorsheynayo in Muqdisho soo galo xili habeen ah, isagoo kasoo degi doono Garoonka Aadan Cadde qeybta ay isticmaalaan diyaaradaha militeriga ee u socda AMISOM iyo diblomaasiyiinta ajnabiga.

Lataliyihaha amniga qaranka Farmaajo ayaa isticmaala 10 Baasaboor oo kala duwan, waana nin is qariya, maadaama Sirdoonka dalalka Geeska Africa iyo hay'ado kale ay aad u baadi-gobayaan. [Halkan ka akhri warka].

Waxaan la ogeyn diyaaradda keeni doonto Fahad, maadaama Wasaaradda duulista hawada ee Xukuumadda Roble ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha inaysan ninka soo qaadi karin.

Fahad Yaasiin ayaa ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil, waxayna dacwad ka taalla Maxkamadda Ciidanka, oo baaritaan ku haysa kiiska shaqsiyaadka sare ee kamidka ah hay'adda NISA.

Farmaajo ayaa difaacaya nin dembi dil ah loo heysto, wuxuuna ka dhigay la-taliyihiisa amniga, si uu u helo xasaanad oo sharciga uga dhuunto, iyadoo uu baal-maray sharciga dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.