Qoysas u baroordiiqaya dad looga dilay qarax ka dhacay Soomaaliya

Xaaskiisa Melek Genç ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Anadolu in aaga uu ka shaqeynayay ninkeeda ay ilaalinayeen ciidamada balse la dilay.

Warar Keydmedia Online
Qoysas u baroordiiqaya dad looga dilay qarax ka dhacay Soomaaliya

TURKEY - Qoysaska Turkiga ah ee ku nool waqooyiga gobolka Çorum iyo Caasimada Ankara ayaa u baroor diiqaya dad looga dilay qarax ka dhacay sabtidii deegaanka Lafoole, oo ku yaaalla meel 22 kiiloomitir Koonfur-galbeed uga beegan Muqdisho.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa fuliyay weerarka ay ku dhinteen shan qof, oo ay ku jiraan laba u dhashay Turkiga oo lagu kala magacaabi jiray Selami Aydoğdu iyo Erdinç Genç, oo u shaqeynayey Masharuuca dhismaha jidka Afgooye.

Genç oo ah 44 jir Aabe leh seddex caruur ah ayaa loola cararay isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee magaalada Muqdisho si loogu dabiibo, laakiin waxaa u dhintay dhaawicii soo gaaray kaas oo ahaa mid aad u daran.

Xaaskiisa Melek Genç ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Anadolu in aaga uu ka shaqeynayay ninkeeda ay ilaalinayeen Ciidamada  booliska Soomaaliya, balse la dilay.

Selami Aydoğdu oo 22 jir ah ayaa guursaday.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxay ku sheegtay Sabtidii in weerarka uu ka dhacay agagaarka Mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo ay maalgelisay dowladda Qatar, islamarkaana ay fulinayso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

 Afar shaqaale ah oo ku dhaawacmay dhacdada iyo meydadka ayaa dib loogu celiyey Turkiga, iyadoo Muqdisho kasoo qaadey diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines.

Koox Injineerro Turki ah ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay qarax ay ku dhinteen ugu yaraan 90 qof bar koontarool oo ku taalla Muqdisho bishii December 2019.

Turkiga ayaa kamid ah saaxiibada shisheeye ee ugu dhow Soomaaliya, wuxuuna kamid yahay dowlado dhowr ah oo tababaraya askarta DF si ay ugala wareegaan Ciidamada AMISOM, kuwaasoo lagu wado inay sanadkan ka baxaan dalka 14 sano kadib.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.