Rooble oo walaacsiisa doorashadda la wadaagey Madaxda Maamulada

Doorashadda ayaa waxaa waqtigii lagu ballamay ka harsan 15 maalin, iyadoo aan weli la billaabin wajiga 2aad ee degaan doorashadda ka baxsan Caasimadaha.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo walaacsiisa doorashadda la wadaagey Madaxda Maamulada

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble, ayaa xalay kulan kula qaatey ZOOM-ka Madaxda Maamulada shanta ah, isagoo kala hadlay dardar-gelinta doorashadda socota.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga oo looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka .

Rooble ayaa ka walaacsan hal arin oo ah in doorashadda lagu soo dhameystiri waayo waqtigii lagu heshiiyay ee 25-ka Febuary, oo ka dhiman 15 maalin, iyadoo kuraas badan harsan yihiin. 

Wuxuu la wadaagay walaaciisa madaxda, oo ka dalbaday inay dedejiyaan doorashadda, maadaama uu cadaadis kala kulmayo Beesha Caalamka, oo ka niyad-jabsan sida wax ku socdaan.

Illaa hadda Maamullada intooda badan marka laga reebo Koonfur Galbeed ma aysan billaabin doorashadda degaanka labaad, oo caqabado badan ka jiraan, taasoo keeni karta dib u dhac.

RW Rooble ayaa mas'uuliyada doorashadda lagu wareejiyay May 2021, waxaana uu sameeyay dadaallo badan, balse isbaaro u dhigtay Farmaajo, oo rabin in dalka yeesho dowlad cusub.

Doorashadda kuraasta Beledweyne, Garbahaarey, Boosaaso iyo dadka Banaadiriga ah oo ka dhacaysa Muqdisho ayaan weli la billaabin, maadaama aan weli la xalin tabashada bulshadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.