Rooble oo Farmaajo uga adkaadey wajiga 1aad Dagaalka Doorashadda

Intii taabacsanayd MD hore Farmaajo ee ku jirtay Gudiyadda doorashooyinka ayaa xididka u siibay, isagoo ku bedelay kuwa cusub oo hadda hogaanka la wareegay.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo Farmaajo uga adkaadey wajiga 1aad Dagaalka Doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalka Rooble iyo Farmaajo ayaa wali socda, iyadoo aan jirin wax waan-waan ah oo laga dhex-wado, iyadoo labada dhinac ay ku loolamayaan taladda dalka.

Rooble ayaa dejiyay istaatiijiyad oo shaqeynaysa taasoo ah inuu dhimo awoodda Farmaajo ku leeyahay amniga iyo doorashadda, isagoo raba inuu noqdo qof go'aankiisa shaqeeya.

Dagaalkii ugu horeeyay Rooble uu qaadey ayaa guuleystay kadib markii xubno taabacsanaa MD hore Farmaajo ee ku jiray Gudiyadda doorashooyinka uu xididka u siibay dhamaan.

Waxaa la bedelay Maxamed Xasan Cirro, gudoomiyihii FEIT, oo Fahad Yaasiin meesha keenay, sidoo kale waxaa la eryay Gudoomiyihii Gudiga Xalinta Khaliifaadka doorashooyinka dalka.

Maxamed Cawil Warsame oo Xafiiska Rooble u janjeera, ayaa noqday Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka kadib markii qaab gacan taag ah looggu codeeyey.

Maxamed ayaa kamid ah 7 xubin, oo Ra'iisul Wasaare Rooble uu kusoo daray dhawaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka, kuwaasoo uu ku bedelay kuwii la eryayay bishii lasoo dhaafay.

Xubnaha oo Gudoomiyaha kamid ahaa ayaa liiska laga saarey kaddib markii ay 'ku milmay siyaasadda isla-markaana baal mareen xeer anshaxa doorashada', sida uu xuskadey Rooble.

Inkastoo dagaalka Farmaajo iyo Rooble saameyntiisa wato, haddana lama huraan waaye in doorashadda la dhameystiro, maadaama tahay xalka kaliya dhibaatada jirta looga gudbi karo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.