RW Rooble oo ku wajahan Magaalo uu Axmed Madoobe tagi waayay

Wararka ay Keydmedia Online helayso ayaa sheegaya in bulshada iyo Maamulka Gedo ay soo gudbiyeen labo xubnood oo gudoomiye iyo ku xigeen ka noqon doono Garbahaarey.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ku wajahan Magaalo uu Axmed Madoobe tagi waayay

KISMAAYO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu Maanta gaaro magaaladda Garbahaarey, ee xarunta gobolka Gedo halkaasoo uu Axmed Madoobe tagi waayay tan iyo markii Jubbaland Madaxweyne ka noqday 2013.

Ciidamada ilaalada Ra'iisul Wasaaraha iyo xubno hordhac u ah ayaa shalay gaarey Garbahaarey, iyagoo u gogol-xaaraya booqashada Rooble oo noqonaysa mid aad looga hadal hayo Gedo, iyadoo laga qabo rajo ah in lagu soo afjaro khilaafkii doorashadda.

Wararka ay Keydmedia Online helayso ayaa sheegaya in bulshada iyo Maamulka Gedo ay soo gudbiyeen labo xubnood oo gudoomiye iyo ku xigeen ka noqon doono Garbahaarey, taasoo qeyb ka ah heshiiskii doorashadda May 27.

Si doorashadda uga dhacdo Gedo, waxaa lagu heshiiyay in reer Garbagaarey iyagu ay iska soo dhex doortaan cidii gudoomiye u noqon lahayd iyo ku xigeenadiisa, waxaana liiska loo gudbinayaa Axmed Madoobe oo digreeto kusoo saaraya magacaabistooda, maadaama uu yahay Madaxweynaha Jubbaland.

Reer Gedo ayaa waligooda diidanaa maamulka Axmed Madoobe, waxayna u arkaan inuu yahay mid xoog ku qabsaday xukunka Jubbaland, oo aan shacabkiisa soo dooran, mana jirin illaa 2013 Mas'uul sare oo ka socda Kismaayo oo ku shaqeeyay Garbahaarey.

RW Rooble ayaa madax u ah dib u heshiisiinta Gedo, iyadoo illaa hadda talloobooyinkii uu qaaday ay noqdeen kuwa mira-dhalay, waxaana la rajeynayaa in inta dhiman lagu dhameytiro kahor doorashadda July 25.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.