RW Rooble oo saxaya qaladaadkii Farmaajo?

Wuxuu dib usoo nooleeyay wadahadalladii Maamul Goboleedyada, isagoo wadahadallo ku dhameeyay khilaafkii doorashadda.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo saxaya qaladaadkii Farmaajo?

MUQDISHO, Soomaaliya - Rooble ayaa u tafa-xaytay inuu hagaajiyo wixii uu qarribay Farmaajo, isagoo guullo la taaban karo ka gaarey tallaabooyinkii uu illaa hadda qaadey, oo ugu horeeya heshiiska doorashadda Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa 1-dii bishan dusha loo saarey mas'uuliyad culus oo ah maamulka doorashadda iyo amniga, kuwaasoo markii uu ku guul-dareystay Farmaajo Gollaha Shacabka ka dalbaday inuu iska wareejiyo.

Rooble shirkii ugu horeysay uu la yeeshay Madaxda maamullada wuxuu noqday mid mira-dhalay, oo kusoo dhamaadey heshiis laga gaarey doorashadda dalka, iyadoo Farmaajo afar jeer oo uu la kulmay hogaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada lagu kala tagay natiijo la'aan.

Arrimaha gudaha waxyaabaha kala uu ka qabtay Rooble waxaa kamida ah inuu la fariistay oo talada wax ka siiyay Musharixiinta Mucaaradka iyo Madaxdii hore ee Soomaaliya, kuwaasoo kaalin mug leh ka qaatey heshiiska doorashadda May 27 lagu saxiixay Afisyooni.

Wuxuu kahor tagay dagaal sokeeye oo Muqdisho ka qarxi rabay, kadib markii uu qanciyay Mucaaradka, islamarkaana ka saarey Caasimadda horaantii bishan Ciidankii u istaagay kahor tagida afgembigii uu damacsanaa Farmaajo.

Dhanka dibadda, wuxuu Rooble maalmaha soo aadan kusii jeedaa Kenya, si uu usoo saxo qaladaadka iyo mad-madowga ka dhex-jira xiriirka labada dal, oo wali si buuxda kusoo laaban kadib markii ay Qatar dhex-dhexaadisay, oo Farmaajo iyo Uhuru ogolaadeen inay dib usoo nooleeyaan cilaaqaadka dalalkooda.

Rooble wuxuu ka qeybgalay caleema-saarkii Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo uu diiday Farmaajo maadaama uu isaga xumeeyay xiriirka dalka Jabuuti, oo mudo 30 sano ah taageero hiil iyo hoo ah la garab taagnaa Soomaaliya.

RW Rooble oo mudo yar xafiiska jooga ayaa sameynaya waxyaabo sare u qaadaya sumcaddiisa siyaasadeed, isagoo ku socda jidkii laga rabey Farmaajo, oo ah isku keenida, isku heynta iyo dib u heshiisiinta, maadaama dalka uu yahay mid dowladda ka jirta u nugul in si fudud ku burburto.

Hada waxaa la sugayaa hirgelinta heshiiska May 27 lagu wada saxiixday Afisyooni.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.