RW Rooble oo xal u raadinaya dilal AMISOM geysatay

Wuxuu Maanta Afisyooni kula kulmay Nathan Mugisha, oo ah Safiirka Uganda ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo xal u raadinaya dilal AMISOM geysatay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabey gudi heer wasiiro ah oo baaritaan ku sameeyo dil argaxan darro ah oo Ciidamada AMISOM ugu geysteen shacab Soomaaliyeed gobolka Shabeellaha Hoose maalmo kahor.

Rooble ayaa sheegay in marna uusan aqbali doonin in dhibaato la gaarsiiyo Shacabka Soomaaliyeed, hadii ay ahaan lahaayeen Ciidamada AMISOM ama kuwa dowladda Soomaaliya.

Hadalka wuxuu ka sheegay maanta Afisyooni oo uu kula kulmay Nathan Mugisha, oo ah Safiirka Uganda ee Soomaaliya iyo taliyaha AMOSOM oo dhacdadii xanuunka badnayd ee Golweyn kala hadlay.

Taliyaha AMISOM ayaa u sheegay Rooble inay xireen askartii Uganda u dhalatay ee dilka u geystay 7 qof oo shacab ah, kuwaasoo markii at dileen kadib qarax miino ku xiray, kadibna jirkooda ku kala jarjaray.

"Xaqiidii waa arin fool-xun oo aad iyo aad uga damaqanay hadii aan nahay dowladda Soomaaliyeed, marna ma aqbali doono, raalina kama nihin in shacabka Soomaaliyeed dhib loo geysto, hadii ay tahay AMISOM ama Ciidanka dowladda, shacabka waa lama taabtaan," ayuu yiri Rooble.

Gudiga uu magacaabey Rooble ayaa ka kooban afar xubnood oo kala ah, Wasiirka amniga, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Arrimaha Gudaha kuwaasoo uu u xilsaarey inay soo baaraan kiiskan, kadibna ay warbixin ka keenaan.

Qoysaska dadka ay AMISOM dileen ayaa maalmihii ugu dambeeyay banaanbaxyo ka dhigayay Muqdisho, iyadoo dalbanayay cadaalad inay helaan dadka la dilay, oo meydadkooda ay sheegeen in aan la aasi doonin inta AMISOM raaligelin ka bixinayso, islamarkaana ay ka qaadeynayso mas'uuliyadda.

AMISOM ayaa dhibaato ku heysay shacabka tan iyo markii ay yimaadeen dalka 2007, iyadoo dhacdadii Golweyn ay ahayd midii ugu dambeysay falalka gumaadka iyo tacadiyada ka dhanka ah bini'aadanimada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.