RW Xamse muxuu ka yiri qaraxyada Zoobe?

Labada qarax waxay geysteen burbur xooggan, iyadoo goobta ay dadka soo xasuusisay burburka inta uu la egyahay awgiisa qaraxii 14-kii October 2017, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 550 qof.

Warar Keydmedia Online
RW Xamse muxuu ka yiri qaraxyada Zoobe?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka maanta dadka maatida ah lagula eegtay xarunta Wasaaradda Waxbarashadda.

Wuuxuu Xamse sheegay in aanu marnaba niyad jabin doonin kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagu ciribtiraayo Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in qaraxyada maanta dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Al-Shabaab oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn Carruur, Dhallinyaro, Haween iyo waayeel intaba.

Weerarka Maanta ayaa ka dhacay wado Mashquul badan, oo ku dhaw Isgoyska Zoobe, waxaana loo adeegsaday labo Gaari oo walxo qarxa lagu soo xiray, kuwaasoo khasaaro badan geystay.

Labada qarax waxay geysteen burbur xooggan, iyadoo goobta ay dadka soo xasuusisay burburka inta uu la egyahay awgiisa qaraxii 14-kii October 2017, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 550 qof.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.