Saadaq Joon oo laga joojiyay baaritaan ku socday

Saadaq Joon ayaa ahaa shaqsigii hogaaminayay weerarkii December 2017 lagu qaadey guriga uu C/raxmaan C/shakuur ka degan yahay Muqdisho, halkaasi oo dhowr askari lagu dilay.

Warar Keydmedia Online
Saadaq Joon oo laga joojiyay baaritaan ku socday

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii shalay sheegtay in taliyaha booliska gobolka Banaadir Sareeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon), lagu waayay caddeyn tuhunka la xiriira inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Warbixintiisii ​​ugu horreysay ee uu siiyay Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Guddoomiyaha Guddiga Khubarada, Philippe Kridelka, wuxuu sheegay in Saadaq Joon laga saarey liiska, islamarkaana hadda aan wax baaritaan ah ku socon.

"Kuma helin wax caddeyn ah oo muujinaya in Saadaq Joon uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab kadib markii aan dib u eegis ku sameynay macluumaadka ay u soo gudbisay Kooxdii la socodka cunaqabateynta Soomaaliya iyo Ereteriya, waxaan adiin sheegayaa in Saadaq aan baaritaan ku heynin gudiga," ayuu yiri Philippe Kridelka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u diiday guddiga inuu yimaado dalka sannadka 2019-ka, iyadoo la siin waayay ogolaansho in baaritaan ku sameeyaan shaqsiyaadka dhibaatada ka shaqeynaya, shirkadaha ganacsiga ee dhaqaalaha siiya Al-Shabaab iyo siyaasiyiinta qaswadiyaasha ah.

Mareykanka ayaa dalbaday in lasoo cusbooneysiiyo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo lagu soo darayo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada ee loo iib geeyo dalka, si lopga hortago inay Al-Shabaab hesho maadooyinka qaraxyada ka farsamayso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.