ICG: Xiriirka Farmaajo iyo Rooble wuxuu gaarey Heer aan soo noqon lahayn

Dowladnimada Soomaaliya waa mid aad u jilicsan oo jabi og, waxaana khilaafka soo noq-noqday ee Madaxda dalka curyaamiyay hanaanka dib usoo kabashadda iyo dib u dhiska.

Warar Keydmedia Online
ICG: Xiriirka Farmaajo iyo Rooble wuxuu gaarey Heer aan soo noqon lahayn

MUQDISHO, Soomaaliya - Khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble wuxuu dhalilayay dhibaatooyin dhinac walba leh, waxuuna saameyn ku yeeshay xasiloonida iyo doorashoorinka dalka Soomaaliya.

Hay'adda Xasaradaha Caalamka ee ICG ayaa soo saartey shalay warbixin ay cinwaan uga dhigtay "Hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxay markale ku ciyaarayaan DAB", iyadoo ka digtay in khilaaf siyaasadeedka taagan inuu isku bedelo dagaal.

Waxay ka digtay ICG halista ka dhalan karto loolanka Farmaajo iyo Rooble, oo qarka u saaran inuu gacan ka hadal isku bedelo, islamarkaana dalka uu galo marxalad dagaal oo dib u dhac ku ah geedi socodka dib u dhiska dalkan kasoo kabanaya 30 sano oo colaado ah.

ICG waxay uga digtay kooxda Farmaajo inay maleegaan Mooshin xilka looga qaadayo Rooble, oo loo dhiibo Mursal kaasoo dhawaan qoraal uu soo saarey ka muuqday inuu qorshahaas damacsan yahay.

Keydmedia Online ayaa heshay xog lagu kalsoonaan karo [Halkan ka akhri] oo sheegaya in Farmaajo uu damacsan yahay in mooshin laga keeni doono maalmaha soo socda Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble , kaas oo la filayo in ay soo abuubulaan xildhibaanada xulafeysiga kula jira Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaadey.

Hadii uu ku dhaqaaqo tallaabadan, waxay ICG sheegtay inay soo dedejin doonto dagaal lamid ah midkii April ka dhacay Muqdisho inuu billowdo, islamarkaana xaaladda ay faraha ka baxdo.

Khilaafka dalka hadda ka jira waa midkii ugu xumaa oo soo mara tan iyo dowladda Farmaajo markii la dhisay 2017, waxuuna joojiyay wadashaqeyntii hay'adaha qaranka, hanaankii doorashadda iyo dagaalkii lagula jiray Al-Shabaab.

ICG oo soo xiganaysa qof ku dhaw Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegtay in xiriirka Farmaajo iyo Rooble uu gaarey heer aan soo noqon lahayn, iyadoo mid waliba doonayo inuu kan kale awoodiisa wiiqo.

Muranka wuxuu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil, oo ICG shaacisay in loo beegsadey inay dooneysay in ay banaanka soo dhigto xogta dhalinyaradii loo qaadey Eritrea, oo iyadu heysay diiwaankooda. Kiiskan ayaa dhalilyay hadalheyn xoog leh, waxayna ku qasabtay Fahad inuu Gabadhan qaarijiyo, kahor inta aysan afka furin.

NISA waxay dusha u saartey kiiskan dilka Al-Shabaab, iyadoo Kooxdana ay iska fogeysay. Waxay arinta kusoo biyo shubatay Fahad iyo Kooxdiisa, oo hadda gamaad ka dhigtay Xafiiska Farmaajo, oo difaacaya si aan sharciga loo soo taagin.

Rooble wuxuu sheegay inay biyo kama dhibcaan tahay kiiskan inuu cadaalad helo, oo lagu dhameeyo Maxkamadda, si taasi u suurtageliyo wuxuu xilka ka qaadey Fahad Yaasiin, iyadoo uu Maxkamadda Ciidanka u xil-saarey inay soo baarto, kadibna loo xukumo kuwii ka dambeeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.