Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo la xiray

Dad badan oo Soomaali ah ayaa maanta laga soo celiyay albaabka Safaaradda, iyadoo loo sheegay inay xiran tahay, oo aan jirin diblomaasi ku sugan dhismaha oo shaqo haya.

Warar Keydmedia Online
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo la xiray

NAIROBI, Kenya - Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay Safaaradda Nairobi, iyadoo laga soo saarey dhamaan diblomaasiyiintii iyo Safiirkii joogay, oo dhamaan dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii uu Farmaajo jaray xiriirkii Soomaaliya la lahayd Kenya xili dalka uu ku jiro marxalad doorasho, islamarkaana shacabka ay ka sugayaan inuu xukunka si nadiif ah ku wareejiyo.

Safiirka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku sugan Muqdisho, isagoo loogu yeeray wadatashi bishii lasoo dhaafay markii uu xiriirka labada dal xumaadey, oo DF ku amartay Safiirka Kenya inuu 7 maalmood Muqdisho uga baxo.

Farmaajo ayaa shalay Jabuuti kula kulmay Uhuru, iyadoo IGAD iyo Midowga Afrika ay Cadaadis ku saarayaan labada hogaamiye inay heshiis degdeg ah ka gaaraan khilaafka dalalkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.