Saldhigyadda Ciidanka Jabuuti ee Hiiraan oo la weeraray

Kooxda Al-Shabaab ayaa wali beegsi ku haysa Saldhigyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Saldhigyadda Ciidanka Jabuuti ee Hiiraan oo la weeraray

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Labo weerar ayaa xalay lagu qaadey saldhigyo Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ku leeyihiin degmooyinka Buula-Burde iyo Jalalaqsi oo kawada tirsan gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa dhaliyay dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray Ciidamada iyo Al-Shabaab, waxaana la sheegay inuu ku dhintay ugu yaraan hal askari oo Jabuuti u dhashay, iyadoo kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda ayaa saakay deganayd, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Ciidamada Jabuuti ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo militeri oo Al-Shabaab uga saarayaan Tuulooyinka hoostaga degmooyinka la weeraray.

AMISOM wali kama hadlin khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaarey askarta Jabuuti weerarka Al-Shabaab oo kusoo beegmaya xili feejignaan ay ku jiraan Ciidamada Midowga Afrika maadaama kala guur uu dalka ku jiro.

Ciidanka Jabuuti oo lagu qiyaaso 1,000 illaa 2,000 oo askari, ayaa loogu yeeraa HIIL WALAAL, waxayna joogaan Beledweyne, oo ah xarunta gobolka, Buula-Burde iyo Jalalaqsi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.