Sawirradii burburka Al-Furqaan Radio kasoo gaarey Duqeynta

Waa duqeyntii 3aad oo tan iyo 2019 loo geysto xarun ay leedahay Idaacaddan ku hadasha afka Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Sawirradii burburka Al-Furqaan Radio kasoo gaarey Duqeynta

KUNYO-BARROW, Soomaaliya - Warbaahinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawiradda xarunta Al-Furqaan Radio kadib duqeyn Mareykanka uu u geystay Jimcihii lasoo dhaafay.

Sawiradda ayaa ka muuqda burbur xooggan oo gaarey dhismaha oo ku yaalla Kuunyo-Barrow iyo qalab kala duwan, iyadoo mid kamid ah gantaalladii ku dhacay uu meesha yaallo. Qoraal kasoo baxay Idaacadda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha ay badbaadeen.

Laakiin, Militeriga Mareykanka ayaa maanta sheegay inuu saddex qof ku dilay, mid kalena uu ku dhaawacay kuwaasoo uu ku tilmaamey Al-Shabaab. 24 December 2020, xafiiska Idaacadda ee degmada Saakow ayaa sidan oo kale loo duqeeyay.

Waxaa jiray August 2019 weerar kale oo isla xarunta Idaacadda ee degmada Kuunyo-Barrow lagu qaadey, waxaana muuqata in AFRICOM ay doonayaan inay aamusiyaan Idaacadaha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa ku awood badan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ka dhacaan inta badan duqeymaha Mareykanka kuwaasoo ay ku dhinteen hogaamiyeyaal badan, oo uu ku jiro Axmed Godane.

Mareykanka ayaa hadda dalka kala baxaya Ciidankiisa, laakiin wuxuu sheegay inuusan joojin doonin duqeymaha, oo ay sii wadi doonaan beegsiga Al-Shabaab iyo howlgallada la dagaalanka argagaxisadda.

Ka bixitaanka Ciidanka Mareykanka ee dalka waxay khatar gelinaysaa amniga, sida uu aaminsan yahay Farmaajo oo ku baaqey inay Washington sii wado howlgalladeeda iyo taageeradda DANAB.

AMISOM oo la filayo inay baxdo sanadkan ayaa ku wareejin doonto mas'uuliyadda amniga Ciidanka dowladda Soomaaliya oo si fiican u diyaarsanayn xilligan dhanka tababarka iyo qalabka ay haystaan.

Dib usoo kabashadda Soomaaliya waxay qaadanaysaa mudo dheer, laakiin waxaa loo baahan yahay si loo gaaro hadafka in la helo hogaamiyeyaal daacad ah, oo u shaqeeya dalka, ee aan ka shaqeysan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.