Sidee ayuu u dhacay weerarkii Afrik Hotel?

Farxiya iyo Fahad, oo ahaa lamaane 9 maalmood kahor is guursaday oo deganaa hotel-ka ayaa sidoo kale lagu dilay qolkii ay ku jireen, waxayna kamid noqdeen 9 qof oo weerarka ku dhimatay.

Warar Keydmedia Online
Sidee ayuu u dhacay weerarkii Afrik Hotel?

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax wayn ayaa laga maqlay irida hore ee Afrika hotel Saacaddu waxay ahayd 5 P.M. xili galab ah oo dadka shaqooyinkooda kasoo laabanayeen jidkana isku xira KM4 iyo Garoonka uu mashquul ka jiray.

Afar nin oo hubeysan kuna lebisan tuutaha Militeriga ayaa la socday Gaari lagu soo xiray walxo qarxa, kaasoo markii uu kusoo dhawaadey bartilmaameedka ay ka degteen 3 dabley ah, si midka 4aad albaabka qarax ugu furo.

Waxay saddexda nin galeen meel Garaash ah oo hotel-ka ku dhegan, qaraxa markii uu dhacay oo jahwareer iyo kala cararka billowday ayay gudaha galeen, waxaan u suurta-gashay inay mudo 8 saacadood ah ka dhex-dagaalamaan dhismaha.

Bambooyinka gacanta iyo rasaas ayay boorsooyinka ku wateen, sida Sarkaal katirsan booliska u sheegay KON, waxayna dadkii deganaa hotel-ka Afrika ku fureen rasaas si aan kala sooc lahayn shacab iyo askar.

Afaafka hore ee hotel-ka waxaa ku taalla Barkoontarool oo NISA ku baarto gaadiidka dhinaca Garoonka aada, waxaana Ciidankii ku sugnaa goobta ay ku guul-dareysteen inay dilaan dableyda kahor inta aysan gudaha u galin.

Hotel-ka oo saddex biyaanno ka kooban dhismihiisa ayaa waxaa deganaa Saraakiil dowladda katirsan, Xildhibaanno, Ganacsato iyo dad kale oo shacab ah, iyadoo xiliga weerarka banaanka ku sugnaayeen dadweyne shaah iyo sheeko wadaagayay xiliga weerarka.

Xalay oo dhan illaa saqdii dhexe ayay ragga hubeysan ku jireen hotel-ka, iyagoo jaray korontada, iyagoo isticmaalayay tooshash ay ugu tala-galeen inta uu weerarka socdo inay qolalka ku galaan si ay u dilaan dadka ku jiray.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa kamid ahaa dadkii deganaa Afrik hotel, halkaasoo lagu dilay kadib markii dableyda qolkiisa ugu tageen, sida ay wararku sheegayaan kadibna ay toogteen.

Galaal oo kamid ahaa Saraakiishii ka qeybgashay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977, ayaa noqday Wasiirka difaaca dowladdii Cali Mahdi, isagoo sidoo kale Taliyaha Ciidanka u magacaabey C/qaasim.

Farxiya iyo Fahad, oo ahaa lamaane 9 maalmood kahor is guursaday oo deganaa hotel-ka ayaa sidoo kale lagu dilay qolkii ay ku jireen, waxayna kamid noqdeen 9 qof oo weerarka ku dhimatay.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Jeneraal Galaal mudo 13 sano ah ku raadjoogtay inay disho, laakiin ay suurtagali waysay isku dayo badan oo ku khaarin lahayd, waxayna ugu dambeyn ku dishay weerarka Afrik hotel ee shalay dhacay.

Waxaa jiray diginiin amnio oo ay bixisay mid kamid ah Safaaradaha reer Galbeedka ee Muqdisho taasoo dadka uga digtay inay tagaan meelaha ay joogteeyaan Saraakiisha dowladda sida huteelada iyo maqaayadaha ku yaalla wadada Makka Al-Mukarama.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.