Sidee socdaalka RW Rooble looga dareemay Gedo?

Reer Gedo waxay heleen wixii ay u dagaalamayeen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, oo ah in xaqooda matelaadda Baarlamaanka ay iyagu go'aan ka gaaraan.

Warar Keydmedia Online
Sidee socdaalka RW Rooble looga dareemay Gedo?

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Waxaa Maanta magaaladda Garbahaarey gaarey wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Rooble, oo kasoo duulay Kismaayo oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku sugnaa.

Soo dhaweyn diiran ayay shacabka iyo mas'uuliyiinta u sameeyeen Rooble, oo noqonaya mas'uulkii ugu sareeyay oo ka socda dowladda oo booqda magaaladda oo mudo dheer ay ka jirtay cabasho dadka degaanka ay ka qabeen Jubbaland.

Ujeedka socdaalka Rooble waa dib u heshiisiin iyo inuu qanciyo reer Gedo, oo aad uga tabanayay Axmed Madoobe oo doonayay inuu boobo kuraastooda Baarlamaanka soo socda, oo lagu dooranayo Garbahaarey.

Waxuu Rooble la kulmaya mas'uuliyiinta Maamulka gobolka iyo kan degmada, iyo sidoo kale Odayaasha dhaqanka iyo bulshadda, si uu usoo afjaro arrimaha dib u heshiisinta iyo maamul dhisida kahor doorashadda billaabanaysa 25-ka bishan.

Dareenka reer Gedo ayaa ahaa Maanta mid ka duwan sidii hore, waxaana u muuqda inay heleen cadaalad iyo matelaad wanaagsan, maadaama horey maamulkooda looga keeni karay dusha, oo Kismaayo uu Axmed Madoobe kasoo magacaabayay.

Shacabka ayaa hadda go'aan ka gaaraya cida gudoomiye ku noqonaysa Garbahaarey iyo ku xigeenada, waxaana arintan ay qeyb ka tahay heshiiskii 27-kii bishii May 2021 lagu gaarey magaaladda Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.