Simon Mulongo oo ka hadlay go’aankii looga cayriyay Muqdisho

Diblomaasiga ayaa sheegay inay la-yaab ku noqotay go'aanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda kasoo baxay, wuxuuna ku dooday inuusan ogeyn qalad uu galay.

Warar Keydmedia Online
Simon Mulongo oo ka hadlay go’aankii looga cayriyay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Simon Mulongo, ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa hadlay sida uu u arko go'aanka dowladda Federaalka, ee dalka looga cayriyay.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Monitor, isagoo ku sugan Muqdisho, ayaa yiri "go'aanka cayrinta waa wax aan la yaabanahay, waayo waxaan ogahay in aanan wax khalad ah sameyn".

"Luqadda loo isticmaalo go'aanka waxay ka kooban tahay erayo aan faahfaahintooda iyo macnahooda garanayn. Ma hayo sabab la garan karo. Waxaan rabaa in aan xaqiiqada ogaado, ee ma aha eedeymaha tuhunka ku salaysan,” ayuu yiri Mulongo.

Mar la weydiiyay waxa xiga, Simon ayaa yiri: "Hoggaanka hay'addeyda [AU] ayaan jawaab ka sugayaa, oo arintan ku jirta". Wuxuu intaasi ku daray in ay jirto loolan ka jira xafiiskiisa shaqada.

Ilo xog-ogaal ah oo si weyn ugu dhuun-daloola arrinta, ayaa KON u sheegay in la eryo dublamaasiga ay timid kadib faragelin uu ku sameeyay siyaasadda cakiran ee Soomaaliya, taasoo ka baxsan xeerarka shaqadiisa.

Go'aanka ayaa sidoo kale suurta-gal ah inay dabada ka riixayaan dad xafiisyo isku haya, waana hab ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya oo Jan 2019 dalka ka cayrisay Nickolas Haysom, oo ahaa ergaygii UN-ka u fadhiyay Muqdisho kadib markii uu su'aallo ka keenay xasuuqii shacabka loogu geystay Baydhabo Dec 2018 xiligii lasoo xiray Roobow.

"Ka saarida Simon Mulongo Muqdisho maaha wax la yaab leh; waxay hore ugu dhacday dublamaasiyiin kale. Mararka qaar marka dadka ka tirsan hay’adaha caalamiga ah ay ku kala aragti duwanaadaan goobaha shaqada, waxay helaan saaxiibo katirsan dowladda Soomaaliya si ay u cayriso kuwa kassoo horjeeda,” ayaa yiri qof ku sugan Xalane oo la hadlay KON.

Shaqaalaha ajaanibta ah ayaa lagu cayriyaa inay muujiyaan aragtiyo diblomaasiyadeed oo aan waafaqsanayn sharciga dalka ku joogaan ama ay si cad u dhaleeceeyaan dawladda Soomaaliya, oo dhawaan billowday inay indhaha u gadoodiso diblomaasiyiinta fadhisa Xalane, ee isku daya inay arrimaha gudaha farageliyaan.

Simon Mulongo oo kasoo jeeda Uganda wuxuu ahaa nin dhaqan-xumo kawaday Xalane, oo ka sameyn jiray wax loogu dulqaadan waayay, sida ay ogaatey Keydmedia Online oo arintiisa baaritaan ku sameysay. Xaafado ku teensan Xalane dumar badan oo degan ayuu xad-gudubyo ku sameyn jiray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.