Dad reer Koonfur ah oo sidii ajnabi loogula dhaqmay Laascaanood

Taliye sare oo katirsan booliska Somaliland ayaa sheegay dadka kasoo jeeda Koonfurta ay ula mid yihiin Itoobiyaanka.

Warar Keydmedia Online
Dad reer Koonfur ah oo sidii ajnabi loogula dhaqmay Laascaanood

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Boqolaal muwaadiniin Soomaali ah, oo ku noolaa, kuna shaqeynsanayay Laascaanood ayaa si qasab ah looga soo saarey magaaladda Maanta.

Dadkan oo intooda badan degaan ahaan kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa saakay baabuurta Xamuulka looga soo qaadey Laascaanood, iyadoo ay kusii jeedaan Garoowe.

Waxay Ciidamada Somaliland dadkan kasoo qabteen xalay xaafadaaha iyo suuqa, iyagoo la isagu geeyay Garoonka Kubada Cagta, halkaasoo maanta dhamaantood laga soo qaadey.

"Dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya waa ajinabi waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale, waana ka saaraynaa Laascaanood, annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland," ayuu yiri Taliyaha Booliska ee Gobolka Sool oo Laascanood warbaahinta kula hadlayay.

Arin layaab iyo foolxumo ah ayaa lagu tilmaamay tallaabadan dadka Soomaali ah dalkooda loogula dhaqmayo sidii ajnabiga oo kale, waxaana Somaliland ay sheegtay in qof kasta oo aan u dhalan maamulka laga soo tarxiilayo goobta uu ku sugan yahay.

Saraakiisha maamulka Somaliland ayaa ku eedeynaya fashilka amni ee kasoo wajahay Laascaanood inay ka dambeeyaan dadka reer Koonfureedka ah, oo mudo dheer ku noolaa, kuna ganacsanayay magaaladda.

Wararka ayaa sheegay in dadka ay Somaliland sida qasabka ah uga soo saartay Laascaanood hantidoodii lagala soo harey, islamarkaana lasoo diray iyagoo fara maran. Waxaana loo geystay dhac iyo boob cad, oo aan geed loogu soo gamban.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.