Soomaaliya oo gashay Marxalad cusub

Dad badan ayaa aaminsan in khilaafka cusub uu dhabar-jab ku yahay geedi-socodka doorashooyinka dalka.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo gashay Marxalad cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Isbedel ayaa ku yimid xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana billowday wareeg cusub oo khilaaf iyo is-jiid-jiid ah, oo u dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble oo maanta khilaafkooda dibadda usoo baxay.

Rooble ayaa qaadey tallaabo uu waxba kama jiraan uga dhigay Digreeto Madaxweyne, oo xalay uu soo saarey Farmaajo taasoo looga joojinayo hay'adaha dowladda iyo Xukuumadda inay galaan heshiisyo inta doorashadda lagu jiro.

War qoraal ah oo xafiiska Rooble soo saarey ayaa lagu sheegay in qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG uu awood u siinayo in xukuumadda xilgaarsiinta ay si caadi ah u qabato shaqooyinka qaranka, inta mid cusub laga dhaarinayo.

"Dastuurka Qaranka ayaa u xilsaaray Xukuumadda Federaalka inay gashi wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibadda, ganacsiga, acdiyadda/heshiisyada caalamiga ah ee arrimaha muhiimka ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Rooble.

Guuxa dadweynaha ayaa laga dhex maqlayaa "Rooble wuxuu qaadey tallaabo geesinimo leh, oo ku diiday amarka kaligii-taliska, awoodda isku soo koobey."

Dad siyaasadda gorfeeya waxay ku tilmaameen go'aanka Rooble mid khatar badan leh, oo keeni kara shaqo-joojin in lagu sameeyo Ra'iisul Wasaaraha ama Gollaha Shacabka inta dib la isagu waco kadibna xilka laga qaado.

Dalka wado mugdi ah ayuu kusii socdaa, waxaana dagaal cusub ku furmay rajadii kaliya ee jirtay, oo ah Rooble inuu doorasho nabdoon, oo xor iyo xalaal ah qabto, si loo helo dowlad cusub oo u shaqeysa dadka iyo dalka.

Keydmedia Online ayaa horey usoo qortay inuu labada Mas'uul u dhaxeeyo khilaaf hoosaad, kaasoo hadda banaanka yimid, wuxuuna kasoo billowday heshiiskii Rooble la galay Mucaaradka, iyadoo sii xoogeystay kadib xil-ka-qaadistii Kulane Jiis.

Meesha ugu sareysay wuxuu gaarey khilaafka markii Farmaajo xalay soo saarey digreetada uu Xukuumadda uga joojinayo heshiisyada inay gasho, iyadoo imaanshaha Wadfdiga Kenya uga sii daray, maadaama uu u gogol xaarayo booqashada Rooble ee Kenya.

Farmaajo khilaaf ayaa kala dhaxeeya Uhuru, mana jecla in Kenya lala heshiisyo, isagoo dhanka danihiisa gaarka ka eegaya ayuu xiriirka u jaray Dec 2020, wuxuuna joojiyay Qaadka Miirowga, oo ku bedaly midka Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.