Soomaaliya oo lumisay fursad kale

Bishii lasoo dhaafay, waxay dowladda Mareykanka xayiraad dhanka safarka ah kusoo rogtay Madaxda Soomaaliya, kadib markii ay caqabad ku noqdeen geedi socodka doorashadda iyo dimuqraadiyadda.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo lumisay fursad kale

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa Maanta, March 15 lumisay fursad kale, oo dambeys ah oo lagu soo gabagabeyn lahaa doorashada Baarlamaanka oo muddo dheer dib u dhac ku yimid, iyadoo weli dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed.

RW Rooble iyo Madaxda Maamullada, ayaa u mudeeyay 15-ka bishan in lagu soo dhameystiro doorashada kuraasta 275ta ee Gollaha Shacabka, kadib markii jadwalkii hore ee 25-ka bishii Febuary lagu fashilmay in lasoo afjaro hanaanka doorashadda mudada ka badan halka sano dib u dhacayay.

In ka badan 50 kursi oo Baarlamaanka ah ayaa wali la dooran. Arrintan ayaa keeni karta in dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada Madaxweynaha cusub.

Koonfur Galbeed ayaa Maanta dooranaysa 7-dii kursi ee ugu dambeysay, iyadoo Galmudug 3 kursi ku harsan tahay, waxayna tirada dooran ka dhigaysaa 235. Waxaa harey 40 kursi, oo ay ku dhiman tahay Jubbaland, HirShabeelle iyo Puntland.

Dib u dhaca ku yimid doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, ayaa dalka galiyay qalalaase siyaasadeed iyo jahwareer xoog leh, oo ay xalin waayeen madaxda dalka.

Dalka ayaa la daalaa dhacaya sidii loo dooran lahaa Hogaamiyeyaal cusub, sababo la xiriira Kalsooni la'aan siyaasadeed oo u dhaxeysa Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo xiriirkooda aan wanaagsanayn.

Farmaajo, oo la doortay Feb. 2017-kii, ayaa ku fashilmay inuu fuliyo ballanqaadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin la-dagaalanka Al-Shabaab, oo ka talisa deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan, soo celinta amniga, qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Waxuu sidoo kale ballan qaaday inuu la dagaallami doono musuqmaasuqa, balse dadka dhaliila ayaa sheegaya in hal qodob uusan ka fulin dhamaan balan-qaadyadiisa, isagoo geliyay dalka xaalad kale oo hubanti la'aan ah iyo xukun kaligii-talis ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.