Soomaaliya oo xiriir la yeelatay dal uu Turkiga taageero

Waa markii ugu horeysay mudo tobanaan sano oo Soomaaliya ay xiriir diblomaasi la yeelato dowladda Azerbaijan.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo xiriir la yeelatay dal uu Turkiga taageero

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa safar ku tagey shalay magaaladda Baku, ee Caasimadda dalka Azerbaijan.

Wuxuu Safiirka la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan Jeyhun Bayramov oo kusoo dhaweeyay xafiiskiisa, waxaana ay kawada hadleen xiriirka diblmaasi ee labada dal.

Bayramov ayaa sheegay inuu warqadaha aqoonsi ka gudoomay danjire Jaamac oo isku ahaan doono safiirka Soomaaliya ee dalalka Turkiga iyo Azerbaijan, isagoo fadhigiisa ahaanaya magaaladda Ankara.

Tani ayaa ka dhigan in Soomaaliya safiir aan deganeyn Baku [non-resident Ambassador] u magacawday dalka Azerbaijan oo kamid ahaan jiray Midowgii Sofyeetiga, islamarkaana uu Turkiga aad u taageeray markii uu dagaalka kula jiray wadanka Armenia.

Isagoo dib u eegaya xiriirka dhow ee taariikhiga ah iyo dhaqanka ee ka dhexeeya labada dal, Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed wuxuu xusay in dalkiisu had iyo jeer taageersanyahay mowqifka Azerbaijan ee ku saleysan sharciga caalamiga ah ee ku aadan lahaanshaha gobolka Nagorno-Karabakh oo ay ku muransan yihiin Armenia. 

Safiirka ayaa ugu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Azerbaijan guushan weyn ay ka gaareen dagaalka gobolka oo dhacay sanadkii tagey, kaasoo Turkiga uu dhinaca Azerbaijan la saftay, una diray dagaalyahanno calooshood u shaqeystiyaal ah oo ka kireeyay Syria.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.