Suxufiyiin banaanbax ka dhigay Muqdisho

Waxay ka kala yimaadeen xaruumaha warbaahinta madaxa-banaan ee Muqdisho, iyagoo codkooda isagu geeyay baaqa in lasoo daayo Wariye C/llaahi Kulmiye oo NISA u xiran.

Warar Keydmedia Online
Suxufiyiin banaanbax ka dhigay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Suxufiyiin tobaneeyo gaarayo ayaa Maanta dibadbax ka dhigay Muqdisho, iyagoo kasoo horjeeda xariga iyo afduubka wariye C/llaahi Kulmiye Caddow, oo NISA ay xirtay kadib markii uu wareysi ka qaadey Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan.

Taliska NISA ayaa dhibsadey wareysiga, oo ganacsadaha ku taageeray Al-Shabaab iyo dilka Ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan. Banaanbaxa Maanta waxaa lagu dalbanayay sii-deynta Wariyaha maalintii 3aad sida sharci darrada ah u xiran.

Wariyeyaasha iyo Maamuliyaasha xaruumaha warbaahinta ee ka qeybgalay dibadbaxa ayaa ku eedeeyay dawladda Farmaajo inay si xun ula dhaqato saxaafadda madaxa-banaan, kana dhigtay sidii Cadow ay dagaal kula jirto.

Ciidamada NISA ayaa xili habeen ah guriga ugu galay C/llaahi Kulmiye, kadibna si afduub ah uga soo watay, waxaana wali la ogeyn halka uu ku xiran yahay taasoo keentay walaac ku saabsan amnigiisa iyo in la dilo.

Warar ayaa sheegaya in lasoo daayay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan, oo wareysiga bixiyay, si cadna u sheegay inuu taageersan yahay Al-Shabaab iyo fekerkeeda xagjirka ah, laakiin waxaa xiran wariyaha wareystay.

Fahad Yaasiin ayaa isaga markii uu ahaa wariye u shaqeynayey Al-jazeera wuxuu wareystay hoggaanka ugu sarreeya Al-shabaab, sida Cali Dheere iyo xubno kale, mana jirin cid xirtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.