Terminal-ka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde oo la xiray

Tallaabadan ayaa muujinaysa inuu sii xumaanaya xiriirka dowladda Soomaaliya kala dhaxeeyay AMISOM iyo Safaaradaha shisheeye ee degan xarunta Xalane.

Warar Keydmedia Online
Terminal-ka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde oo la xiray

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Maareeye ku-xigeenka Garoonka Aadan Cadde, ayaa lagu shaaciyay in la xiray Terminal-ka Movcon, ee Garoonka, kaasoo si gaar ah u isticmaali jireen diyaaradaha AMISOM, UN-ka iyo Safaaradaha ajnabiga, ee deganka Muqdisho.

Cayduruus Axmed Kaahiye, oo ah Maareeye ku-xigeenka Garoonka ayaa ku sheegay warqadda uu 23-ka bishan saxiixay, balse la shaaciyay Jimcihii Shalay, Dec 24 in go'aankan uu ka yimid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, mana uusan xusin sababta.

Lama sheegin inta uu xirnaan doono Terminal-ka Movcon, laakiin waxaa ku qoran warqadda, oo nuqul kamida KON heshay illaa amar dambe.

Waxaa lagu amray diyaaradaha ajnabiga ee qeybtan isticmaali jiray in wixii hadda ka dambeeyay duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya inay isticmaalaan qeybaha Gudaha, Caalamiga iyo qeybta VIP-da, ee madaxda dowladda Soomaaliya isticmaalaan.

KON uu u kuurgashay sababta ka dambeysa arintan ayaa ogaatey inay la xiriirta khilaafka AMISOM iyo dowladda u dhaxeeya, ee kasoo billowdey eryidii bishii hore lagu sameeyay Simon Mulongo, oo ahaa ku xigeenka ergayga Midowga Africa iyo qorshaha ka bixitaanka Ciidanka Ururka, oo la isku haysto way sii joogayaan iyo ma joogayaan.

Waxaa sidoo kale soo dedejiyay xiritaanya Terminal-ka Movcon in Boolis dowladda geysay laga soo eryay, oo si xuna AMISOM ula soo dhaqantay, maadaama iyada meesha ay maamusho.

Lama oga waxa ay noqon doonto falcelinta AMISOM iyo safaaradaha reer Galbeedka ee la xiriirta go'aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, oo si aad ah u saameynayo duulimaadkooda.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in qeybta la xiray laga dhoofin jiray waxyaabo aysan dowladda la socon, oo sharci darro ah, sidoo kalena ay kasoo deji jireen kontorbaan la geeyo Xalane, oo gudaheeda ka socdo dhaqan xumo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.