Toogasho ka dhacday Muqdisho

Goobta waxaa markii dambe gaarey Ciidamada amniga dowladda, oo sameeyay howlgal baaritaan ah, balse kuma guuleysan inay soo qabtaan gacan ku dhiiglaha.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Nin ku hubeysan AK-47 ayaa weerar ku qaadey guri ku yaalla degmada Wardhigleey, ee magaaladda Muqdisho isagoo toogasho ku dilay labo qof, sidoo kalena dhaawacay ugu yaraan 10 kale oo Isbitaallada loola cararay.

Goobta la weeraray ayaa ahayd meel Soomaalida u taqaano Mangis, oo dadka qaar ay qaadaan iyagoo aaminsan in looga daaweynayo Jinka. Ninka hubeysan ayaa baxsaday, mana la oga sababta uu falka ugu kacay, laakiin wararka ayaa sheegay inuu ahaa qof isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, ee daroogadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.