KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Go'aankan ayaa yimid kadib markii dhawaan Sarkaal katirsanaa CIA lagu dilay qarax ka dhacay degaanka Gandershe, ee duleedka Muqdisho.
WASHINGTON - Trump ayaa ku amray Wasaaradda Gaashaandhigga inay Soomaaliya kasoo saarto Ciidamada Mareykanka ee ku sugan, oo tiro ahaan lagu qiyaasay illaa 700 oo askari.
Amarkan ayaa wax ka bedelaya howlgalka Ciidamada Mareykanka ay ku caawiyaan militariga Soomaaliya, ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida.
"Trump wuxuu ku amray Waaxda Difaaca iyo Taliska Mareykanka ee Afrika inay soo saaraan askarta iyo hantida uga jirta Mareykanka dalka Soomaaliya horaanta 2021," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Waaxda Difaaca Jimcihii.
Wasaaradda Difaaca ayaa carrabka ku adkeysay in dhimista Ciidamada ee Soomaaliya aysan ahayn isbeddel ku yimid siyaasadda Mareykanka, waxaana askarta la qaadayo loo wareejinayaa dal kale oo Afrika ku yaalla, oo hadii loo baahdo ay duulaan kasoo qaadi karaan.
"Mareykanku wuxuu sii heyn doonaa awooda uu ku fulin karo howlgalada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, iyo uruurinta digniinta iyo tusmooyinka hore ee la xiriira halista ku wajahan wadankiisa hooyo," ayaa lagu yiri bayaanka.
Trump ayaa doonaya in la dhimo tirada Ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, Ciraaq iyo Afghanistan kahor inta uusan Aqalka Cad ka tagin January 2021, isagoo xilka ku wareejinaya Joe Bidan oo uga adkaadey doorashada.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.