Halkee marayaa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya?

Dowladaha Soomaaliya Iyo Turkiga ayaa ka wada hadlay, arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo amniga, kadib kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Halkee marayaa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulanka ay madaxda ka socotay labada dal yeesheen ayaa ka dhacay xafiiska Wasiirka cusub ee Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, halkaasoo uu booqosho ku tagay Safiirka dalka turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Sida ay daabacday warbaahinta Turkiga, kulanka ayaa looga hadlay, sidii loo dar dar galin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo xoogga la saarayo arrimaha ganacsiga iyo amniga.

Wasiirka ganacsiga Cabdisaciid Muuse, ayaa ka dalbaday Safiirka in dowladda Turkiga ay fududeyso, sidii waxyaabaha Soomaaliya soo saarto loo gaarsiin lahaa dalkaasi, maadama si dhib yar Soomaaliya uu ku yimaadi agabyada ay sameyso Turkiga, kuwaasoo badankooda lagu iibiyo suuqyada ku yaalla gudaha Soomaaliya.

Cabdisaciid Muuse ayaa tilmaamay in arrintaasi ay saamaxeyso in labada dal ay noqdaan kuwa ka siman dhanka dheefta ama faa'iidada ganacsiga, oo iminka Soomaalida looga badan yahay.

Safiirka Turkiga ayaa xusay inuu turkiga u gudbin doono tabashada uu wasiirku ka muujiyey arrimaha ganacsiga laba geesoodka ah, isagoo tilmaamay in arrimahaasi sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya, iyadoo ka caawisa dib u dhiska ciidamada, waxana sanad waliba dugsiga tabarbarka ee ay Muqdisho ku leedahay ka aflaxa tiro aad u badan oo ka tirsan ciidamada qalabka sidda.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.