Turkiga iyo Soomaaliya oo iska kaashanaya dagaalka Al-Shabaab

10-kii sanno ee ugu dambeysay Turkiga waxay galaangal muuqda ku lahayd Soomaaliya, waxayna dowladihii is xig-xigay la wadaageysay xiriir iskaashi, dhaqaale iyo mid dhinaca taageerada ah.

Warar Keydmedia Online
Turkiga iyo Soomaaliya oo iska kaashanaya dagaalka Al-Shabaab

ANKARA - Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Turkiga ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi kula kulmay dhigiisa, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka Al-Shabaab, loona sii  xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka wanaagsam ee ka dhaxeeya labada wasaaradood.

Xasan Xuseen ayaa sidoo kale dhigiisa Turkiga ka dalbaday sidii loo kordhin lahaa taageerada iyo tababbarada dowlada Turkiga ay la garab taagan yihiin Ciidamada xoogga Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyay taageeradeeda.

10-kii sanno ee ugu dambeysay Turkiga waxuu galaangal muuqda ku lahaa Soomaaliya, waxayna dowladihii is xig-xigay la wadaageysay xiriir iskaashi, dhaqaale iyo mid militeri.

Turkiga ayaa saldhigga ugu weyn caalamka ka dhistay Muqdisho 2017-kii , kaas oo noqday xarunta tababbar lagu siiyo Ciidanka Gorgor ee katirsan xoogga dalka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.