Turkiga oo Drones siiyay Ciidanka Farmaajo ku caburiyo Mucaaradka

Turkiga ayaa ku tababara Ciidamada Soomaaliya xerada Turk-Som oo ah saldhig weyn oo degaanka Jazeera ku yaalla, kaasoo la furay 2017, halkaasoo ay kasoo baxeen kumanaan katirsan guutada Gorgor.

Warar Keydmedia Online
Turkiga oo Drones siiyay Ciidanka Farmaajo ku caburiyo Mucaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya – Turkiga ayaa diyaarado drone ah siiyay militeriga Soomaaliya, gaar ahaan cutubyada uu tababaro ee Gorgor, kuwaasoo dhawaan la geeyay jiida hore ee dagaalka Al-Shabaab.

Sida Keydmedia ogaatey, diyaaradaha drones-ka ayaa soo gaarey Muqdisho billowgii Bishan, waxaana dalka keenay taliyaha Ciidanka xoogga Jen Odowaa Yuusuf Raage, oo dhawaan safar ku tagey Turkiga.

Waxay noqonaysa markii ugu horreysay oo militeriga Soomaaliya uu helo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ugu deeqay Turkigu oo doonaya in xoojiyo miisaankiisa siyaasadeed ee dalka.

Diyaaradahan oo yaalla saldhigga Turk-Som ee duleedka Muqdisho, ayaa loo tababarayaa Saraakiila katirsan Ciidanka Soomaaliya sida loo isticmaalo, waxaana loo adeegsan doono sahan iyo hawlo sirdoon.

Turkiga ayaa ku tababara Ciidamada Soomaaliya xerada Turk-Som oo ah saldhig weyn oo degaanka Jazeera ku yaalla, kaasoo la furay 2017, halkaasoo ay kasoo baxeen kumanaan katirsan guutada Gorgor.

Sannadihii u dambeeyay, Turkiga wuxuu siin jiray askarta Gorgor qoryaha fudud iyo baabuurta gaashaaman, balse hadda wuxuu ugu daray drones, waxayna tani kusoo aadaysaa xili dalka xayiraadda hubka saaran tahay.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga Bayraktar TB2 ayaa hore loo geeyay dalalka Syria, Libya, Armenia, waxaana la xaqiijiyay inay wax ku ool u yihiin dagaallada, waxayna u dhigmaan kuwa Ruushka.

Ciidanka uu Turkiga uu tababarey [Gorgor iyo Haramcad] waxay ahaayeen kuwa Farmaajo si gaar ah u adeesado mudadii uu Madaxweynaha dalka ka ahaa, isagoo ku curiyay mucaaradka iyo saxaafadda.

Waxay kusoo beegmaysaa drones-ka uu Turkiga siiyay Ciidanka Gorgor xili Farmaajo isku diyaarinaya inuu iska difaaca duufaan kusoo food leh oo uga imaanaysa Mucaaradka oo sheegay inay dhisayaan dhawaan Golle Qaran, oo talada dalka kala wareegga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.