Turkiga oo Hub usoo diraya Muqdisho si Farmaajo ugu afduubo doorashadda

Ciidamada Haramcad ee Turkiga tababaray ayaa Farmaajo u adeegsadey inuu ku afduubo doorashooyinkii ka dhacay qaar kamid ah Maamul Goboleedyada dalka.

Warar Keydmedia Online
Turkiga oo Hub usoo diraya Muqdisho si Farmaajo ugu afduubo doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay bishan usoo dirayso Muqdisho diyaarad sida hub casri ah, oo loogu tala-galay Ciidamada Haramcad, oo ah unug katirsan Booliska oo si gaar ah ugu adeegto Farmaajo.

"Gollaha Midowga Musharixiinta waxay ogaadeen in diyaarad military oo Turkiga leeyahay oo lambarkeedu yahay TUAF767 ay 1,000 G3 Machine Guns [qoryaha darandooriga u dhaca] iyo 150,000 oo xabo oo rasaas usoo wado Muqdisho 16-ka illaa 18-ka bishan December," ayaa lagu yiri qoraalka, oo KON heshay.

Musharixiinta ayaa walaac ka muujiyay in Turkiga xilligan xasaasiga ah uu hub usoo diro Soomaaliya, iyagoo sheegay inaysan shaki ku jirin in Farmaajo u adeegsan doono Ciidamada Haramcad inuu ku afduubo doorashooyinka soo socda.

Haramcad ayaa horey loogu adeegsady afduubka doorashooyinkii ka dhacay Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaan maalintii shalay dil iyo dhaawac ugu geysteen Muqdisho dad banaanbax dhigayay, oo kasoo horjeeda boobka doorashadda lagu hayo.

Midowga Musharxiinta ayaa warqad ay u direen Safiirka Turkiga ee Muqdisho Mehmet Yilmaz uga dalbaday Ankara inay dib u dhigto hubka ay usoo dirayso Soomaaliya, kana dhigto wixii ka dambeeya doorashadda 2020-21.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.