Uhuru oo Madaxtooyadda ku qaabiley Muuse Biixi

Booqashadda Muuse Biixi ayaa cirka kusii shareertay xiisadda diblomaasiyasadeed ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya.

Warar Keydmedia Online
Uhuru oo Madaxtooyadda ku qaabiley Muuse Biixi

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa Maanta kula kulmay Madaxtooyadda Kenya Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana kulankooda uu kusoo beegmayaa xili xiisadda diblomaasiyasadeed ay u dhaxaysay Nairobi iyo Kenya.

War-Saxaafadeed Madaxtooyadda Somaliland soo saartay ayaa lagu sheegay in labada mas'uul ay kaga wada hadleen kulankooda qodobo dhawr ah oo u badan danaha labada dhinac, xagga ganacsiga iyo socdaalka.

Kenya ayaa doonaysa inay xiriirka la sameynayso Somaliland ku cadaadiso Farmaajo dowladdiisa inay dabciso mowqifkeeda ku aadan xagga socdaalka iyo ganacsiga Qaadka oo laga mamnuucay gudaha Soomaaliya.

Kenya ayaa lagu eedeeyay faragelin toos ah inay ku hayso arrimaha doorashadda dalka, iyadoo u adeegsanaysa Axmed Madoobe inuu burburo heshiiskii September madaxda dalka ku gaareen Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.