UN: Dad gaaraya 5.9 million ayaa ku gaajaysan Soomaaliya

Colaadaha ka jira gobollada Galgaduud, Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka ayaa horseeday dad badan inay barakacaan, islamarkaana ay horseeday dhibaato bini’aadanimo oo sii adkaysay xaaladdii jirtay.

Warar Keydmedia Online
UN: Dad gaaraya 5.9 million ayaa ku gaajaysan Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 5.9 million oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadnimo oo deg-deg ah kadib markii ay ku dhufatay abaar ba’an degaanadii ay ku noolaayeen Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Isbedelka dhanka cimilada sii kululaanaysa ayaa sababtay biyo la’aan iyo abaar, iyadoo dadka beeralayda ah uu dalagooda ka baabi’iyay anyaxa ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah dalka labadii sano ee lasoo dhaafay.

QM ayaa sheegtay in sido kale ay jiraan dad gaaraya ku dhawaad 8,000 oo qof oo Somaliland kasoo barakicisay degaanadeeda, gaar ahaan Laascaanood, kuwaasoo ay soo foodsaartay xaalad bini’aadanimo.

Xanuunka COVID-19 ayaa kamid ah musiibooyinka shacabka Soomaaliyeed haysta xilligan, iyadoo dowladda ay nooqtay mid Muqdisho dhaafi waysay, oo ka gaabisay u adeegidda shacabka iyo gaarsiinta gargaarka kuwa u baahan.

Colaadaha ka jira gobollada Galgaduud, Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka ayaa horseeday dad badan inay barakacaan, islamarkaana sii xumeyso dhibaato bini’aadanimo ee jirtay.

Gobolka Jubbada Hoose in ka badan 30,000 oo neef oo xoolo ah ayaa gaajo iyo haraad ugu dhintay degaanada ku dhaw Afmadow, Baardheere, Dhoobley iyo Garbahaarey, oo ah Caasimadda G/Gedo, sida ay sheegtay Wasaaradda gargaarka Jubbaland.

Dad badan oo abaar uga soo cararay gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa gudaha Soomaaliya soo galay, iyagoo biyo iyo daaq raadinaya, waxayna imaanshahooda kusoo begantay xili abaarta soo barakicisay oo kale ka jirto Jubbada Hoose iyo Gedo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.