Waa kuma La-taliyihii Farmaajo ee loo diiday Kismaayo?

Wuxuu kasoo jeedaa Beesha Ogaadeen, oo Axmed Madoobe ka dhashay, waana shaqsi qeyb ka qaatay dhismaha Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma La-taliyihii Farmaajo ee loo diiday Kismaayo?

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Cali Raage wuxuu mudo ku dhaw labo sano la-taliye dhanka doorashooyinka u ahaa Farmaajo, isagoo lagu eedeeyay inuu yahay maskaxdii ka dambeysay in la go'doomiyo Axmed Madoobe, oo kursiga uu ku fadhiyo ay dad badan wada eeganayaan.

Kismaayo waxuu kasoo cararay markii Axmed Madoobe oo uu u ahaa la-taliye isku khilaafeen arrimo la xiriirka la shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xiligaas usoo cararay Muqdisho oo xilka la-taliyaha looga magacaabey. Bishii wuxuu mushaar ahaan u qaataa $10,000 [Toban kun oo doollarka Mareykanka].

Waa milkiilaha Idaacada lagu magacaabo Sooyaal oo fadhigeedu yahay Kismaayo, halkaasi oo sidoo kale uu ku leeyahay goobo ganacsi, sidoo kalena ay degan yihiin Caruurtiisa, sida dad isaga ku dhaw ay u sheegeen Keydmedia Online.

Isaga ayaa afkiisa ka sheegay inuusan saddex sano ku dhaw uusan tagin Kismaayo, waxaana markii uu isku dayay Maanta inuu ku laabto laga soo celiyay Garoonka diyaaradaha magaaladda. Wuxuu u socday inuu u tartamo kursiga Xildhibaanimo ee Beeshiisa Ogaadeen oo uu ku fadhiyay C/rashiid Xidig.

Maadaama uu ku dhaw yahay Farmaajo, Axmed Madoobe ayaa u diiday inuu tago Kismaayo oo doorasho halkaasi ugu tartamo kursi Baarlamaan, isagoo qeyb ka ah Koox lagu eedeeyay inay qeyb wayn ka qaateen dhibaayooyinka Jubbaland iyo Khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo.

Cabdi Cali Raage dadk yaqaana waxa ku tilmaameen inuu yahay shaqsi aad u jecel in Axmed Madoobe xukunka laga tuuro, oo isaga Madaxweyne ka noqdo Jubbaland oo dhismaheeda ku lug lahaa.

Waxyaabaha uu ku faano waxaa kamid ah inuuu horay ugasoo shaqeeyay doorashooyinkii dadbanaa ee ka dhacay Soomaaliya sanadkii 2016-kii, islamarkaana la-taliye usoo noqday Axmed Madoobe oo maanta dab iyo baasiin isku yihiin.

Jubbaland waxaa awoodeeda ku loolamaya Mareexaan iyo Ogaadeen oo xukunka haystay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo aad u tagay Kismaayo, islamarkaana u bedelay magaaladda meel ka dhisan boqortooyo iyagu leeyihiin oo Axmed Madoobe boqor u yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.