Waa kuma Musharaxa loo jebiyay xeerka doorashadda?

Doorashadda Gollaha Shacabka waxay wajahaysaa caqabad weyn oo ah hufnaan la'aan iyo jebinta shuruucda, si shaqsiyaad gaar ah loo soo saaro.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma Musharaxa loo jebiyay xeerka doorashadda?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa banaanka soo baxay tuhunkii laga qabey Farmaajo, ee ahaa inuu boobayo kuraasta Gollaha Shacabka, isagoo u xusul-duubayo dib u doorashadiisa.

Doorashadda xeerarar ayay Gudiyadda u dejiyeen kahor inta aysan billaabaan, waxaana la hordhigaa Musharaxa kahor diiwaan-gelinta, iyadoo qofkii buuxin waayo laga reebayo tartanka.

Sharuucda doorashadda waxaa la ogaadey inay yihiin kuwa Farmaajo sida uu doono u rog-rogi karo, isagoo cidii uu raba, xitaa ay dembi leedahay ka gudbiyo, taasoo tusaale u ah Yaasiin Fareey, oo Maanta Dhuusamareeb lagu gudoonsiiyay Shahaadada Musharxnimo Kursiga Hope67, oo leh jufo katirsan beesha Abgaal.

Sida ka muuqata Shuruucda iyo nidaamka doorashadda, Musharaxa waxaa laga doonayaa inuu xilka uu hayo iska-casilo kahor inta uusan is diiwaan-gelin saddex Todobaad kahor, taasi ma uusan sameynin Yaasiin Fareey, taliyaha NISA.

Yaasiin isagoo ku eedeysan kiiska dilka Ikraan Tahliil, oo Maxkamad dacwad ka taallo ayuu is-diiwaangeliyay, waxaana lagu wadaa inuu kursiga ku guuleyso, maadaama Villa Somalia gadaal ka riixayso, oo looga soo qaadey Muqdisho askar ergo laga dhigay, oo u codeynaysa.

Yaasiin Farey, Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis waxay u tartamayaan kuraas Baarlamaan, si ay uga baxsadaan cadaaladda, oo ay u noqdaan dad leh xasaanad dowladda soo socotana u maxkamadeynin. Farmaajo ayaa ka shaqeynaya inuu dhiso raggii lasoo halgamay, isagoo ka dhigay Xildhibaanno.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.