KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Saraakiil sare iyo askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana jira dhaawacyo badan oo labada dhinac gaarey.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Deganaansho ayaa saaka laga soo sheegayaa magaalada Dhuusomareeb kadib markii Ciidamada dowladda iyo Malleeshiyadda Ahlu Sunna ku dagalameen shalay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda ay degmada ka saareen maleeshiyaadka soo weeraray, oo ujeedkoodu ahaa inay la wareegaan, balse laga hortagey isku-daygooda.
Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale qabsaday saldhig ay Ahlu Sunna ku lahayd degaanka Bohol, iyagoo kusii raad-joogga maleeshiyaadka ku sugnaa xarumaha gobolka Galgaduud.
Saraakiisha maxaliga ayaa qiimeynaya khasaaraha ka dhashay dagaalkii Jimcihii, oo wararku ay helayso KON ay sheegayaan in Saraakiil iyo askar badan ay labada dhinac uga geeriyoodeen.
Dagaalka ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Qoor-Qoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Ciid ay ku sugan yihiin Muqdisho, oo olole doorasho ay kawadaan, iyagoo gabey mas'uuliyadooda Galmudug.
Ahlu Sunna ayaa mudooyinkii dambe abaabul Ciidan kawadey degaanka Bohol, oo 30Km u jira Dhuusamareeb, iyadoo Kooxdan wali damac uga jiro inay xukunto Galmudug, oo ka jiro Maamul heer Federaal ah, oo doorasho ku yimid.
Sanadkii tagey ayaa Ahlu Sunna dagaal dhiig badan ku daatay looga soo saarey Guriceel, oo ahayd xarunta ugu weyn ee laga maamulka Urur diimeedkan hubeysan, oo Maclin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir hogaaminayaan.
Galmudug ayaa mudo dheer tan iyo aas-aaskeedii ku jirtay colaado iyo khilaafyo siyaasadeed oo ragaadiyay horumarkeeda, iyadoo faragelinta dibadda, gaar ahaan Villa Somalia ay ka kici la'dahay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.