Waayeelka siyaasadda oo weli ka cabanaya Farmaajo iyo Rooble

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Rooble ugu hanjabay afarta xubnood ee isaga soo magacaabey inuu ka saarayo Gudiga doorashadda Xildhibaanada Somaliland, haddii aysan tagin goob gudiga hogaan ku dooranayo.

Warar Keydmedia Online
Waayeelka siyaasadda oo weli ka cabanaya Farmaajo iyo Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka hadlay cida ka dambeysa khilaafka sii daba-dheeraaday, ee ka taagan doorashadda Xildhibaannada Gobollada Waqooyi [Somaliland].

Cabdi Xaashi ayaa eedeymo culus u jeediyay Farmaajo iyo Rooble, oo uu sheegay inaysan dhex-dhexaad ka ahayn doorashadda, kadib markii sida uu sheegay ay kala qeybiyeen gudiga doorashadda Somaliland.

Wuxuu xusay in Farmaajo uu abuuray xaalada jirta kadib markii uu u diiday siyaasiyiinta gobollada Waqooyi inay ka qeybgalaan Shirarkii masiiriga ahaa, ee arrimaha doorashooyinka dalka looga hadlayay.

“Afartii sano ee tagtey, waxaan kahor taagnayn dowladda Farmaajo ku tumashadda sharciga dalka iyo dastuurka, arintaas darteed baan dhowr jeer isagu dhacnay Madaxweynaha,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Isagoo hadalkiisa sii wata, gudoomiyaha ayaa tilmaamay in waxyaabaha sharci-darrada uu kala dagaalamayay Farmaajo ay kamid tahay tallaabadii muddo-kordhinta ku sameystay April 2021, oo sababtay dagaal inuu ka qarxo Muqdisho, dalkuna galo xaalad colaadii sokeeye dib ugu celin kartay.

RW Rooble waa qof aan dhex-dhexaad ahayn

Cabdi Xaashi, oo kamid ah waayeeka siyaasadda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble inuusan dhex-dhexaad ka ahayn arrimaha doorashadda, kadib markii la saftay dhinaca Mahdi Guuleed.

Wuxuu caddeeyay in dhamaan kulamadii uu la qaatey Rooble wixii lagu ballamay ay fuli waayeen, sababtuba ay tahay in aan daacad ka ahayn Ra’iisul Wasaare inuu si dhex-dhexaadnimo ah u xaliyo muranka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Rooble ugu hanjabay afarta xubnood ee isaga soo magacaabey inuu ka saarayo Gudiga doorashadda Xildhibaanada Somaliland, haddii aysan tagin goob gudiga hogaan ku dooranayo.

“Cidna ka aqbali meyno inay mas’uul nooga noqoto siyaasadda, mana socon doonto wax aan heshiis lagu aheyn, doorashadda waa inay noqotaa mid xor iyo xalaal ah, oo loo siman yahay,” ayuu yiri Gud.

Cabdi Xaashi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida Farmaajo ugu bahdilay siyaasadda iyo dowladdiisa, oo dagaal la gashay isaga iyo kuwa dhaliila, ee ka hadla qaladaadka iyo jeibta sharciga.

Mahdi Guuleed oo ah ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ayaa raba sed-bursi inuu sameeyo, oo isaga looga dambeeyo doorashadda iyo soo xulista musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee loo qoondeeyay Somaliland.

Labada dhinac – Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed min afar xubin ayay soo magacaabeen, halka saddex uu Rooble magacaabey, kuwaasoo dhaliyay khilaafka kadib markii la ogaadey inay NISA iyo shaqaale dowladeed, oo aan dhex-dhexaad ahayn.

Walaaca Cabdi Xaashi ayaa ah in uu waayo Kursigiisa Aqalka Sare, oo Mahdi Guuleed ku bedelo qof kale, maadaama isaga uu mucaaradka Farmaajo kamid yahay, kuwaasoo tartanta socday lagu celinayo.

Qorshaha Farmaajo ee doorashadda Baarlamaanka ayaa ah in laga reebo dhamaan xubnaha Mucaaradka ee hadda kuraasta ku fadhiya inay dib usoo laabtaan, waxayna ka billaabatay arintan Baydhabo, oo shantii kursi ee la doortay Aqalka Sare ay ahaayeen Nabad iyo Nolol.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.