Wadada Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la xiray

Booliska qaabilsan qaraxyada ayaa looga yeeray goobta kadib markii Gaari nooca raaxadda ee loo yaqaano NOAH lagu arkay meel ku dhaw Afrik hotel. 

Warar Keydmedia Online
 Wadada Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la xiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadada aada Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ee ka timaada Lambar Afar [KM4] ayaa saakay lagu arkay Gaari NOAH ah oo qarax lagu soo xiray, waxaana la joojiyay gaadiidka dadweynaha iyo isku socodka.

Ciidamo kuwa qaabilsan qaraxyada ayaa looga yeeray goobta oo ku dhaw Afrik hotel, waxaana la sheegay in wali aan lagu guuleystan qaraxa in la furfuro, oo jidka dib loogu fasaxo dadweynaha.

Cabsi ayaa ka jirta nawaaxiga KM4 iyadoo la xiray ganacsiga qaar oo lagu amary inay goobta baneeyaan, maadaama ay suurtagal tahay inuu Gaari kale oo qarax ku xiran meelaha ka dhaw yahay.

Qaraxyada ayaa kusoo kordhaya Muqdisho, iyadoo laamaha amniga ku fashilmeen inay kahor tagaan baabuurta qaraxyada lagu soo xiray inay kasoo gudbaan baraha koontarool ee gaadiidka lagu baaro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.