Wafdi ka socda Malawi oo booqasho ku tagey Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa aqoonsi ka raadinaya dalal Afrikan ah, oo ku jira liiska kuwa ugu saboolsan, sida Malawi iyo Gini.

Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socda Malawi oo booqasho ku tagey Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya - Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi, Eisenhower Mkaka ayaa ka degay magaaladda Hargeysa, xarunta Maamulka Somaliland maanta.

Waxaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay Madaxtooyadda, oo kulan albaabada u xiran kula leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha ay diiradda ku saarayaan wadahadalka.

Waxaa la filayaa inay Somaliland goordhaw war kasoo saarto ujeedka booqashadda Eisenhower Mkaka ee Hargeysa, iyadoo aad loo hadal hayo socdaalka wafdiga oo kusoo beegmaya xili xiisadda diblomaasiyasadeed ka jirta Geeska Afrika.

Malawi ayaa ku jirta dalalka Afrika kuwa ugu saboolsan, ee aan horumaka wanaagsan ka jirin, waxaana hadii ay ku dhawaaqdo inay aqoonsatay Somaliland suurta-gal ah inay Dowladda Soomaaliya xiririka u jarto, sida lamid ah Kenya iyo Gini oo tallaadaas horey u qaadey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.