Wafdi ka socda UN oo booqdey Gedo

Waa abaartii ugu xumayd oo gobolka ku dhufata tan iyo 1974, sida ay sheegeen Saraakiisha Gedo oo wafdiga UN-ka uga warbixiyay xaaladda.

Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socda UN oo booqdey Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya - Adam Abdelmoula, oo ah ku-xigeenka ergayga QM, ahna isku duwaha gargaarka bini'aadanimo ee Soomaaiya, ayaa shalay booqdey gobolka Gedo.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa ahaa inuu qiimeyn iyo u kuur-galid kusoo sameeyay abaarta ee ka jirta gobolka, isagoo lasoo kulmay qoysas badan oo kusoo barakacey Garbahaarey.

"Waxaan boodey kaamamka Barakacayaasha Garbahaarey, waxaan kula soo kulmay dad u badan haween oo ii sheegay in xoolihii ay dhaqan jireen abaarta ka dishay," ayuu yiri Adam.

Sarkaalkan ayaa ku baaqey in gargaar bini'aadanimo oo deg deg ah lala gaaro dadka tabaaleysan, si looga hortago inay gaajo u dhinteen, islamarkaana macluul ka dilaacdo Soomaaliya.

Ma jirto illaa hadda gurmad dowladda Soomaaliya u sameysay dadkeeda ku dhibaateysan gobolada abaarta ka jirto, kuwaasoo qarka u saaran inay u dhintaan nafo darro iyo haraad.

Mareykanka ayaa shalay sheegay inuu labo milyan oo dollar ugu deeqay Soomaaliya si abaarta wax looga qabto xili aan jirin samafal kale oo gudaha ama dibadda dalka kasoo socda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.