KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Degmooyinka Baay iyo Bakool ma jirto mid mida kala u gudbi karaan shacabkeeda, waxay Al-Shabaab jartay wadooyinkii isku xirayay, oo ku celiso gaadiidka gala ama kasoo baxa.
XUDUR, Soomaaliya - Wafdi ka socda Koonfur Galbeed, islamarkaana uu hogaaminayo gudoomiyah Baarlamaanka maamulkaasi Cali Saciid Fiqi, ayaa shalay gaarey magaaladda Xudur, ee Caasimadda gobolka Bakool.
Gudoomiyaha iyo xubnaha la socda ayaa safar diyaaradeed ku tagey degmada, waxayna kulamo la yeesheen Saraakiisha Maamulka Gobolka iyo kan degmada, iyagoo la siiyay warbixin la xiriirta xaaladda amni iyo mida bini'aadanimadda.
Waxay Saraakiisha booqasho ku tageey degaanno aan ka fogeyn Xudur, oo ay isku hor-fadhiyaan Al-Shabaab iyo Ciidamada DF iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, oo isku dhinac ah, iyadoo Fiqi uu sheegay in Maamulkiisa uu taageero u fidin doono shacabka dhibaateysan.
Dhibaatadda ugu wayn shacabka waa go'doominta Al-Shabaab, oo kala jartay degmooyinka, taasoo keentay sicir barar iyo inay qaali noqoto maciishadda nolosha, maadaama ay adag tahay badeecooyinka la geeyo.
Mudo ka badan 6 sano ayay sidaas yihiin degmooyinka, oo aan la isku kala gooshi karin, waxayna shacabka ku eedeeyeen Maamulka Koonfur Galbeed inuu ka gaabiyay isku furka wadooyinka u xiran Al-Shabaab.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.