Waqtiga AMISOM oo dhamaadey iyo UN-ka oo ansixiyay Howlgal cusub

Sida ku cad qaraarka la ansixiyay Maanta, ATMIS ayaa hoos-tagi doonto dowladda Soomaaliya, halka markii hore AMISOM laga xukumi jiray Addis Ababa, waxayna xoogga saari doonaan xasilinta dalka.

Warar Keydmedia Online
Waqtiga AMISOM oo dhamaadey iyo UN-ka oo ansixiyay Howlgal cusub

NEW YORK - Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS, kaasoo lagu bedelay AMISOM.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa hadda ka kooban 20,000 oo askari, kuwaasoo dalka yimid 2007, iyagoo ku guuldareysteen inay Al-Shabaab awoodeeda soo afjaraan mudo 15 sano ah.

AMISOM Waqtigeedu wuxuu ku ekaa March 31, waxaana Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu ku taliyay horraanta bishan in la magaca laga bedelo, oo labo sano oo dheeraad ah sii joogaan Soomaaliya.

Howlgalka cusub ayaa ka shaqeyn doona in Ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda koowaad ee amniga dalka labada sano ee soo socota, iyadoo kadibna lasoo gabagabeynayo ATMIS.

Sida ku cad qaraarka la ansixiyay Maanta, ATMIS ayaa hoos-tagi doonto dowladda Soomaaliya, halka markii hore AMISOM laga xukumi jiray Addis Ababa, waxayna xoogga saari doonaan xasilinta dalka.

Amniga Soomaaliya ayaa sii xumaanaya, sababtoo ah jiitanka doorashadda, waxaana sii kordhaya weerarada argagaxiso, oo bishan oo kaliya in ka badan 60 Muqdisho iyo Beledweyne lagu dilay.

Dowladda Mareykanka oo ah taageeraha ugu muhiimsan ee Soomaaliya, ayaa xayiraado dhanka socdaalka ah ku soo rogtay mas’uuliyiinta sarsare ee siyaasadda, maadaama ay wax u dhimayaan hanaanka doorashada iyo dumuqraadiyadda.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku haysay magaalada Muqdisho ilaa sanadkii 2011-kii markaasoo ay ka saareen Ciidamada AMISOM, balse wali waxay heysataa ​​dhul ballaaran, iyadoo weeraro ka fulisa Caasimadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.