Wararkii ugu dambeeyay isa soo dhiibidda C/rashiid Janan

Hadii ay run noqoto waxay noqonaysaa dharbaaxo culus oo ku dhacday awoodda Axmed Madoobe.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay isa soo dhiibidda C/rashiid Janan

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa tan iyo shalay qabsaday warbaahinta iyo baraha bulshadda hadalka ku saabsan isa-soo dhiibida Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Waxaa ka socday Beled-Xaawo kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo la sheegay in lagu diyaarinayo imaanshaha Janan, oo la sheegay inuu ku sugan yahay meel dhowr KM u jirta magaaladda oo ku dhaw xadka Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay ee KON ka helayso Gedo ayaa sheegaya in Doolow gaadiidkii laga dejiyay iyo Ciidankii Gorgor ee ka horeeyay inay hordhac u yihiin safar la filayay inuu Fahad Yaasin ku tago Beled-Xaawo, si halkaasi uu heshiis ugula galo Janan.

Janan bishii January 2020 ayuu kasoo baxsaday Xabsi NISA oo Muqdisho ku yaalla, isagoo u xirnaa sida uu wareysi uu bixiyay ku sheegay Fahad iyo Farmaajo, oo markii uu ka diiday inuu lacag qaato oo maamulka Axmed Madoobe burburintisa qeyb ka qaato.

Indhaha oo dhan Beled-xaawo ayay kusii jeedaan, waxaana la sugayaa warka ku saabsan isa soo dhiibida Janan, oo qabiil ahaan isku reer yihiin Farmaajo oo Gedo ka dhigay goob dagaal oo Ciidamo uu ku daad-gureeyay, sii uu Axmed Madoobe uga difaaco qoyskiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.