Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Dowladda Federaalka Soomaliya Cabdinasir Siciid Muuse [Bahaay]. ayaa lala egtay Garigiisa Qaraxa Caawa ka dhacay Exgoyska Taleex.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, 3 kalena way ku dhaawacmeen qarax culus, oo caawa fiidkii ka dhacay magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay KEYDMEDIA ONLINE, ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay bam lagu qariyay bac oo la dhigay afaafka dhismo cusub oo laga dhisayo Isgoyska Taleex, waxaana lala eegtay Gaari uu leeyahay Wasiir ku xigeenka Amniga DF Abdinaasir Saciid Muuse (Bahaay).

Lama oga inuu Wasiirka la socday Gaariga xiliga qaraxa, balse wararka ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen shacab wadada marayay, waxaana goobta xiray Ciidamada amniga oo mudo daqiiqado ah hakad geliyay gaadiidka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka Caawa ka dhacay Muqdisho, oo kusoo beegmaya xili mudooyinkii dambe la kordhiyay Ciidamada jidadka baabuurta ku baara, kuwaasoo la geliyay feejignaan ku aadan qaraxyada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.